Home RA’YIGA Xog iyo Falanqeyn Xasaasi ah: Waa kuma Qalbi-dhagax? Maxaase ka dhalan Kara...

Xog iyo Falanqeyn Xasaasi ah: Waa kuma Qalbi-dhagax? Maxaase ka dhalan Kara Tilaabadii loogu gacan geliyey Itoobiya?

0
SHARE

Maalmihii Ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay Eedeymo kulul oo loo jeedinayo Madaxda Ugu Sareysa Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya, kuwaas oo ka dhashay tilaabadii Dowladda Federaalka Soomaaliya Ugu Wareejisay Itoobiy, C/kariin Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” oo ka mid ahaa Saraakiisha Ugu Sareysa Jabhada U Dhaq-dhaqaaqda Xoreynta Dhulka Soomaali Galbeed Ee ONLF, oo ay Gacanta ku hayso Itoobiya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu lafa guraya Talaabadan Dowladda Soomaaliya Ugu Gacan galisay Itoobiya, C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” Goobaha Ay ku kulmaan Ee ku yaalla Gudaha Dalka iyo Daafaha Caalamka, sidoo kale shacabka soomaaliyeed ee adeegsada baraha Bulshada ayaa arrintan si Isku mid ah uga hadlaya.

Dhanka kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Si Kulul uga hadlay Tilaabada Dowladda Soomaaliy Ay Itooboya Ugu Gacan galisay C/kariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax’ Oo Ka Tirsan Jabhada ONLF Oo u dhaq-dhaqaaqda Soo Celinta Xoriyadda Dhulka Soomaali Galbeed.

Kumuu Ahaa C/kariim Qalbi-dhagax ?

C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” ayaa ahaa Muwaadin Soomaaliyeed, waxaana uu ka mid ahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, Isagoona Qeyb weyn ka qaatay Dagaalkii Xoreynta Dhulka Soomaali Galbeed ee 1977 Dhex maray Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

C/kariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa intii uu ku jiray Ciidamada Xoogga Jamhuuriyadda Soomaaliya Ka Gaaray Sarkaal.

Qalbi-dhagax ayaa Dhaawac culus ka soo gaaray Dagaalkii 1977-dii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoona sidoo kale dagaalkaas ku waayay Walaalkiis ka weyn.

Markii laga soo laabtay Dagaalkaas, ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii Dowladdi Soomaaliya Ay U Dirtay, kuna Dartay Jabhadii U Dagaalanka Xoreynta Dhulka Soomaali Galbeed oo gacanta ilaa haatan ugu jira Dowladda Itoobiya.

Sidee Loo Dhiibay C/kariim Qalbi-dhagax ?

C/kariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa 23 August yimid Magaalada Gaalkacyo, iyadoona saacado ka dib uu hotel uu uga dagey Koonfurta Gaalkacyo ay ka Qabsadeen Ciidamada Nabad-sugida Galmudug, iyagoona u gudbiyay Magaalada Cadaado.

Maalin-nimadii Jimcaha Ee Taariikhdu ku asteysneyd 25 Bisha August ee dhamaatay, ayaa C/kariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax Soo shaac baxeen Wararka la xiriira, ka dib markii Ciidamo ka tirsan Nabad sugida soomaaliya ka soo qaadeen Magaalada Cadaado, iyagoo Geeyay Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Dalka.

Arrinta La Xiriirta C/kariim Qalbi-dhagax ayaa hawada ku sii dhagtay Ka Dib Markii Maamulka Galmudug uu soo saaray War la xiriira qaadashada DFS Ee Qalbi-dhagax, kuna Tilmaamay Xad-gudub, iyadoona Galmudug xiligaas sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fiirsan doonto xiriirka kala dhaxeeya, hadeysan si deg deg ah ugu celin qalbi-dhagax Magaalada Cadaado oo ah Xarunta KMG Ah Ee Dowlad Gobaleedlka Galmudug.

28 Bisha August oo aheyd Maalin-nimadii Isniinta ayaa Waxaa hadana soo shaac baxayday in C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax lagu wareejiyay Dowladda Itoobiya, iyadoona Wareejinta Qalbi Dhagax ay Qeyb Muhiim Ah ka ciyaareen Masuuliyiinta Ugu Sareysa Dalka, Laamaha Amniga, Saraakiil Iyo Siyaasiyiin Horey Dalka Xil Uga Soo Qabtay.

Maxaa Uu Dastuurku Ka Qabaa Wareejinta Qalbi-dhagax ?

Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Qeexaya Mudnaanta Muwaadinta soomaaliyeed iyo Wax kasta oo uu xaq u lee yahay in uu helo.

Qodobka 7aad. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: Ayaa Qeexaya dhulka Soomaaliyeed iyo Xaduudihiisa, isagoona Dhulka Soomaaliyeed, ku asteynaya Xidigta Shanta Gees ah, Iyo Jiritaanka Mowqifkii 1960-kii.

Qodobka 8aad. Shacabka iyo Jinsiyadda. ayaa qeexaya in shacabka soomaaliyeed ay yihiin hal mid oo aan la kala qeybin karin, sidoo kale Qodobkaan ayaa cadeynaya in ay tahay Jinsiayadda Muwaadinka Soomaaliga ah lama taabtaan, xataa haduu qaato Jinsiyad dal kale.

Qodobka 36aad. Isucelinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha: ayaa qeexaya Sharciga Dowladda Federaalku ku wareejinayso Eedeysane, iyadoona Gacanta Loo galinayo dal uu ka galay dambi.

Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya Ma Jiro Qodob uu ku ogalaanayo in Dal Shisheeye lagu Wareejiyo Qof maganyo doon ah oo soo galay Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyadda, Haduusan jirin Heshiis caalami ah, oo soomaaliya dhinac ka tahay.

Dastuurka Soomaaliya ayaan sidoo kale marnaba ogalaaneyn in Muwaadin Soomaaliyeed lagu wareejiyo, loona gacan galiyo Dal Cadow ah.

Maxaa Kal Dhalan kara Wareejinta Qalbi-dhagax ?

Tilaabada Ay Dowladda Soomaaliya Ugu Wareejisay C/kariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa ah tilaabadii ugu horeysay ee Dowladda Soomaaliyeed si Qayaxan ku wareejiso Muwaadin Soomaaliyeed, oo halyeey qaran ah kaas oo ka soo bar-bar dagaalamay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, haatana raadinayay Soo Celinta Dhul Soomaaliyeed oo gacanta ugu jiro Dowlad Shisheeye, dhulkaas oo lahaanshihiisa Uu Qeexayo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

1: Wareejinta Qalb-dhagax ayaa ah Culeyskii siyaasadeed ee ugu weynaa oo ay wajahayso Dowladda Jirta Waxa aan dhameyn 7 Bilood, ee uu horkacayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

2: Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tilaabadii ugu horeysay ee si weyn u hanjabisay Shacab ku dhiiranayay kalsooni isa soo tarta uu ay ku qabaan Madaxdooda iyo Dowladnimadooda.

3: Wareejinta C/kariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa Saameyn ku yeelanaysa olalayaal balaaran oo loogu jiray Soo celinta iyo Mideynta Dhulka Soomaaliyeed, maadama Dowladda Soomaaliya ay kalsooni riday Dad badan oo dhaq-dhaqaaqyo ugu jiray Soo celinta karaamada iyo Sharafta Soomaaliyeed.

4: Wareejinta qabi-dhagax ayaa saameyn ku yeelanaysa Ciidamada qalabka sida, oo awalba la daalaa dhacayay Hanaanka Qabiiliga ah ee soomaalida ka gaaray meesha u sareysa, iyadoona ay jiraan ciidamo badan oo qiiro ka heyso maqnaanshaha dhulka soomaaliyeed, kuwaas oo hanka ay ku dagaalamayaan yahay soo celinta qaranka soomaaliyeed, iyadoona hadii ay ka bad-baadan dagaalada ahliga ah, qorshaha ugu jirto in ay u dhaqaaqaan soo celinta dhulka maqan.

Yeey U Taalaa Soo Celinta Xaqa Qalbi-dhagax ?

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah kan matalaya shacabka soomaaliyeed ayaa ah kan sida dhabta ah looga baahan yahay in ay soo saaraan xaqa muwaadinka soomaaliyeed, ee asaga oo u dagaalamaya xoreynta dhul ay lee dahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, lagu wareejiyay cadowgiisa, iyadoo la og yahay waxa uu ka mudan karo agta cida gacanta loo galiyay.

Baarlamaanka Soomaaliya oo u muuqda mid ka wada siman afkaarta difaaca Qaranimada iyo Ilaalinta Muwadiniinta Dalka, ayaa looga fadhiyaa sidii ay banaanka u keeni lahaayeen, daahana uga rogi lahaayeen, Tilaabada ay Madaxda sare ee dalka si bareera ugu Wareejiyeen Gacanta Itoobiya Muwaadin, kana mid ahaa Ciidamada U Loolamaya Helitaanka Dhulka Soomaali Galbeed ee uu Qorayo Lahaanshihiisa Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

W/Q:- C/rashiid C/laahi Warsame

cabdrashiidzaki20@gmail.com

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE