Home WARARKA Xog & Gorfeyn: Soomaaliya iyo Federaalka, Waa Maxay Federaal?

Xog & Gorfeyn: Soomaaliya iyo Federaalka, Waa Maxay Federaal?

0
SHARE

Federal waxaa saldhig u ah qaybsanaanta awoodaha dowladda, iyadoo loo qaybinayo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Wadamada federalka ku dhaqma waxaan tusaale u soo qaadan karno Maraykanka, Canada, Germany, Brazil, Malaysia, Mexico, India iyo Saint Kitts and Nevis. Waxaad arkaysa xeerar mid waliba gaar u yahay labada dabaqadood ee federalku leeyahay, iyo dowladaha hoose oo iyaguna leh xeerar u gaar ah.

Federaal waxaa noqon kara laba dowlad goboleed iyo wax ka badan, kuma xirna in dal uu federal qaato baaxadda dhulkiisa, badnida shacabkiisa iyo kala duwanaanshahooda toona. Wadanka ugu dad badan ee nidaamka federalka qaatay waa dalka India oo dadkiisa lagu qiyaaso inay kor u dhaafayaan 1.3 billion, halka dalka ugu yar ee nidaamkaas qaatay uu yahay St. Kitts and Nevis oo dadkiisa lagu qiyaaso inay yihiin 52,000 kun oo kaliya.

Nidaamka federal ee ay dalalkaasi qaateen waa mid aad u kala duwan, hadana waxa dhacda in mararka qaarkood awoodaha la isku qabsado. Marka ay sidaasi dhacdo waxaa jira xeerar horay loo sii dejiyey iyo hay’ado dastuuri ah oo loola laabto waxyaabaha la isku maandhaafo, waxaana dhacda in lagu soo afmeero iyada oo lagu shaqaynayo xadka xeerarkaas, ismaan-dhaafkaasuna uu halkaas ku soo idlaado.

Somaaliya iyo Federaalka

Soomaaliya waxay qaataday nidaamka federalka, oo asalkiisu yahay isxukun sanadkii 20004tii, ka dib shir socday muddo ka badan 2 sanadood, kaas oo looga xaajaystay nidaamka ugu haboon ee shacabka Soomaaliya isku aamini karo dibna la isugu soo celin karo. Waxaa xusid mudan in dalka ay ka dheceen dagaalo ehliya oo lagu hoobtay gabood fallo waaweynina dhaceen. Nidaamkaas dalku qaatay, wuxuu awoodaha badankooda siinaya dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka, isla markaasna wuxuu usoo reebaya dowladda dhexe awoodo cayiman oo ay ugu muhiimsanyihiin gaashaan dhigga iyo ciidamada qalabka sida, lacagta iyo siyaasaddeeda, siyaasadda amuuraha dibadda iyo nidaamka socdaalka iyo jinsiyadaha. Dastuurku wuxuu faraya in qodobadaas laga talageliyo dowlad goboleedyada.

Waxaa marar badan dhacda sida hada taaganba, in la isku maan-dhaafo awoodahaas dastuurku kala xadeeyey. Ismaan-dhaafkaas wuxuu mararka qaarkood ka yimaada dowladda dhexe oo u haysata in dalku yahay siduu ahaan jiray wixii ka horeeyey 1991. Dowlad goboleedyada waxa lagu eedeeyey in ay u dhaqmaan sidii dalal ka madax banana Soomaaliya inteeda kale.

Fa’iidooyinka Federalka

Fa’iidooyinka federalka waxaa ugu weyn awoodda oo la qaybiyo si aan tegrifal u dhicin ayna u sahlanaato in dowladda iyo go’aamadeedu noqdaan kuwo shacabka u dhow. Qaybsanaanta awooddu ma ahan saddexda qaybood ee dowladda (Fulinta, Xeer dajinta iyo Maxkamadaha) ee waxaa loo jeeda in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ay awoodda maamul ee dalka qaybsadaan. Waxa kale oo fa’iidooyinka federaka ka mida, in dowladuhu ku tartamaan bixinta adeegyada aasaasiga ah, horumarinta deegaanka, dheelitirka awoodda, baahinta xukunka, isla xisaabtanka iyo dejinta qorshayaal horumarineed oo shacabku cod ku yeeshaan.

Caqabadaha Federalka

Nidaam kasta oo dadku degsadaan wuxuu dhankiisa kale wataa caqabado, waxaase muhiim ah in la is barbar dhigo fa’iidada nidaamkaas laga dhaxley iyo caqabadaha uu wato. Caqabada federalka waxaa ka mida; awoodaha dowladda oo isku soo noqnoqda, sharciyo badan oo iska soo horjeeda oo la soo saaro, dibu dhac ku yimaada dejinta xeerarka muhiimka ah, dowlad waliba in ay leedahay gole fulin, baarlamaan iyo maxkamado u gaar ah iyo shaqaalaha oo tiro bata, taas oo kallifta in la bixin waayo mushaharooyinka iyo adeegyada muhiimka ah.

Ismaan-dhaafka Federalka iyo dowlad goboleedyada

Inkastoo ay badan yihiin sababaha ismaan-dhaafka keena hadana kuwoooda ugu waaweyn waxaa ka mida;

Dalkii oo burburay iyo dadkii oo qaba’il u kala daatay, badankooduna aanay aqoon nidaamka federaliga ah ee dalka ka hirgalay, in badan oo ka midana u arkaan aragti banaanka uga timid, taas oo lagu wiiqayo awooddii dowladnimo iyo madax banaanidii dalka.

Dowladdii dhexe oo aan dalka wada gaarin awoodna u lahayn in ay midayso siyaasaddii dhaqalahaa, canshuuraha, amniga iyo guud ahaanba adeegyadii kale ee aasaasiga ahaa intii ay ku qaybsanayd.

Dowladda dhexe oo ku guul daraysatay in ay samayso qorshe horumarineed oo dalka wada gaara, gaar ahaan deeqaha caalamka laga helo oo ku kooban caasimadda oo kaliya.

Dowlad goboleedyada oo isku arka in laga qadiyey gargaarkii beesha caalamka ee magaca Soomaaliya lagu bixiyey, taas oo iyagiina ku khasabtay inay iskood u galaan heeshiisyo caalamiya si ay adeeg iyo horumar ugu raadiyaan deeganada ay maamulaan.

Garowshiinyo la’aan ka timada labada dhanba marka waxyaabaha qaarkood lagu kala aragti duwanaado.

Dastuurka dalka oo ah mid qabyo ah oo aan aad u kala qeexayn awoodahaa isku soo noqnoqda iyo fasiraaddiisa oo qolaba dhan u jiidato iyo ugu danbayn hay’adihii dastuuriga ahaa ee loo laaban lahaa kolka ay dhacdo in awoodaha qaarkood la isku qabsado oo ah kuwo aan jirin ama aan shaqaynayn.

Dowlad goboleedyada oo aan awoodihii baahin

Dowladda federalka waxaa loo soo jeediya dhaliilo ku aadan inay xukunka iyo talada dalka isku koobtay, ayna doonayaan inay soo celiyaan nidaamkii awooddu dowladda dhexe ku koobnayd (centralized system). Sida si la mida dowlad goboleedyada waxaa lagu eedaynaya in aanay laftigoodu awoodihiii daadejin oo ay ku koobeen caasimadahooda. Waxaad mooda in ay baal mareen waajibkii ahaa inay xukunka daadejiyaan oo gaarsiiyaan is maamul heer gobol, degmo iyo tuulo, si ay bulshooyinkaas fursad ugu helan in ay ka arrinsadaan arrimaha sida gaarka ah u taabanaya helaanna tas-hiilaadka u fududaynaya xallinta dhibaatooyinka gaarka u ah. Federalku ma ahan in xukuumadda dhexe lagu eedeeyo in aanay u hogaansamin dastuurka iyo hab dhaqanka isxukun, iyadoo dowlad goboleedyadu ay u dhaqmaan sidii kaligi taliskii oo awoodda oo idil is hoos keenaan (higly centralized system).

Talo soo jeedin

Si dalku u helo xasilooni siyaasadeed iyo mid amni isla markaasna shacabku u heleen adeegii dowliga ahaa wixii suuragal ah, waxaa muhiim ah in la yareeyo khilaafyada dhexmara dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada. Waxaan soo jeedinaya talooyinkaan:

In madaxda dowladda federalka iyo kuwa xubnaha ka ahba ay isla fahmaan nidaamka federalka ah ee dalku qaatay isla markaasna qolo waliba ay meel iska dhigto waxa qolada kale gaarka u ah oo faraha ka laabato.

In la hirgeliyo hay’adihii xallin lahaa muranka dastuurka iyo awoodaha la isku maan dhaafo lana hawl galiyo.

In la dadejiyo dhammaystirka dastuurka afti dadweynana loo qaado.

In la sameeyo wacyigelin balaaran oo ku aadan nidaamka dalku qaatay.

In dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalku ay laftigoodu maamulka dedejiyaan una daayaan dowladaha hoose awoodaha u gaarka ah.

Gabgabo

Ugu danbayntii, waxaa muhiima in madaxda Somalidu dareen xoogan ka qaatan in dalkanu uu muddo burbursana uuna soo maray jaahwareer siyaasadeed, dhaqaale iyo ammaanba walina ay jiraan duruufahaas qalafsan. Waxaa lagama maarmaan ah in shacabka looga turo burbur iyo muran siyaasadeed oo hor leh, kaas oo wax u dhimmi kara midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed. Madaxweynha dalku, waa astaantii qaranka, ilaaliyaha dastuurka iyo midnimada dalka, sidaas daradeed xil gaar ah ayaa ka saaran fulinta nidaamka federalka iyo isku haynta dowladaha.

Qoraaaga Maqaalka.

Mohamed Abdi Baldho, waa gorfeeye iyo qoraa siyaasadda Soomaaliya, Amniga iyo arrimaha dhalinyarada.

Email: baldhog@gmail.com, Twitter @m_baldho, Skype mbaldho

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxa uu gaar ku yahay Qoraaga ku saxiixan, kamana Turjumayo tan Warqaad.com

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE