Home WARARKA XOG: Farmaajo & Kheyre oo ku Heshiiyay Laba Shaqsi Midkood oo loo...

XOG: Farmaajo & Kheyre oo ku Heshiiyay Laba Shaqsi Midkood oo loo magacaabayo Taliyaha Nabad sugida

0
SHARE

Madaxda dalka ayaa wada tashiyadii ugu dambeeyay ka yeelanaya magacaabista Taliyaha cusub ee Nabad sugida Soomaaliya.

Xog gaara oo ay heshay wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in labo shaqsi midkood aad loo hadal hayo in loo magacaabi doono xilkan Taliyihii hore ee Nabad sugida Soomaaliya Cornel Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo Maareeyihii Hore ee Dekadda Muqdisho, Cabdi Jiinoow Calasow.

Dadka Falanqeeya Siyaasadda ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre in waqti dheer uu dalka laheyn Taliyaha Nabad sugida iyo Taliyaha Ciidamada Booliska.

Bishii Octoober 29-keeda ayaa Shir deg deg ah oo Golaha Wasiirada ay yeesheen ay xilka kaga qaadeen Taliyihii Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid” iyo Taliyihii Nabad sugida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbololshe waxaana soo jeediyey Wasiirka Amniga.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE