Home WARARKA XOG: Fahad Yaasiin oo gacanta kula jira Qorshe Somalia ka damacan tahay...

XOG: Fahad Yaasiin oo gacanta kula jira Qorshe Somalia ka damacan tahay Qatar

0
SHARE

Sida lagu daabacay qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Qadar,ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin uu yahay shaqsi madaxtooyada Soomaaliya u jooga fulinta danaha dalka Qatar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Fahad Yaasiin uu yahay mici Dowladda Qatar ay dooneyso iney ku dhibaateyso Ummada Soomaaliya,islamarkaana uu fuliyo danaha Qatar ay ka leedahay Soomaaliya.

Sidoo kale,Warbixinta ayaa sheegtay in Fahad yaasiin uu yahay Jaasuus Doxa eey ku abuuratay Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaasna fuliya Qorshayaasha dowladda Qatar.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin oo ah xubin fir fircoon qeybna ka ah saaxiibada furaha u ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la aamisan yahay inuu la wareego talada madaxtooyada Soomaaliya,islamarkaana talada ugu sareysa dalka uu gacanta ku hayo.

Warbaahinta ayaa  qoreyso Fahad yaasiin ayaa ku biiray kooxda Ikhwaan Muslimiinka, waxaana uu xiriir adag la yeeshay wadaadka lagu magacaabo Yusuf Alqardawi.

Fahad Yaasiin oo ka mid ah raggii qeyb lixaadka ku lahaa ku soo bixida Doorashadii 2017dii ka dhacday magaalada Muqdisho madaxweynaha hadda talada haya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa haya indhaha Mucaaradka ka horjeeda Dowladda oo aamisan inuu yahay furaha Farmaajo.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE