Home WARARKA XOG: Dowladee Qorsheysay inay Kulmaan Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh & Cabsi...

XOG: Dowladee Qorsheysay inay Kulmaan Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh & Cabsi soo wajahday Farmaajo

0
SHARE

Todobaadkan sawirkii iyo hadal heyntii ugu waynayd waxa ay ahayd kulankii u dhaxeeyay madaxwaynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo kuwada kulmay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Kulanka labada shakhsi ayaa lagu micneeyay siyaabo kala duwan, qofba si ayuu u fasirtay, balse xogaha aan helayno waxaa kamid ah in dawladda Imaaraadka Carabta ay ka dambeyso heshiiska labada siyaasi, waxaana ay uga gon leedahay burburinta iyo majaxaabinta dawladda Farmaajo oo aan cilaaqaad fiican la lahayn Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Qatar ayaa lagu xagliyaa in ay gacan saar la leedahay dawladda cusub ee Soomaaliya dhawaan ka curatay, taasna waxa ay liddi ku tahay siyaasadda Imaaraadka ee gobolka.

Si loo fuliyo hadafka ah in la ilaaliyo ujeeddada Imaaraadka, xukuumadda Dubia ayaa u baahan in ay hesho siyaasiyiin mucaarad ku ah dawladda si ay iyaga ugu diyaariso in ay u tartamaaan doorashada soo aaddan.

Horay Fiqqi Iyo Xasan ayaa Turkiga ku kulmay, markana Xasan Iyo Shariif, Imaaraadka ayaa u baahan in uu mideeyo mucaaradka dawladda kasoo horjeeda, si ay hal ujeeddo u lahaadaan, meelna kaga soo horjeestaan arrinta Farmaajo.

Uganda oo iyana aan cilaaqaad wanaagsan kala dhexeyn Farmaajo ayaa ku faraxsan dib isku helidda mas’uuliyiintan, sidaa darteeda Farmaajo wuxuu wajihi doonaa Hal mucaarad isagoo ah Hal Dawlad.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE