Home WARARKA XOG DEG DEG AH: Qaraxii Shalay oo Sababay in Maxaabiis badan ay...

XOG DEG DEG AH: Qaraxii Shalay oo Sababay in Maxaabiis badan ay ka Baxsadaan Xabsiga dhexe

0
SHARE

Ilo wareedyo diiday in Magacyadooda Warbaahinta aan u adeegsano ayaa Wakaalada Warqaad.com u sheegay in Qaraxii Shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar uu sababay inay Maxaabiis aad u badan ka baxsadaan Xabsiga.

Tirade Maxaabiista baxsatay ayaa lagu sheegay inay gaarayaan 20-maxbuus.

Ciidamada amaanka ayaa goor dambe ka war helay in maxaabiis badan ay baxsatay ka dibna baaritaano culus ay sameeyeen waxay ku qabsateen labo ka mid ah Maxaabiistaasi.

Maxaabiista la soo qabtay ayaa si xun loo garaacay si ay u sheegaan meesha ay aadeen kuwii iyaga la baxsaday, balse waxaa la sheegay in labadaas Wiil oo ah kuwo dhalinyaro aad u yar aysan wax ka ogeyn arintaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay war ka soo saarto Maxaabiistaasi ka baxsatay Xabsiga dhexe oo ah arin fashil ku ah Saraakiisha maamula xabsiga.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE