Home WARARKA XOG CUSUB: Yaa Hadda Loo Saadaalinyaa In Loo Magacaabo Taliyaha NISA?

XOG CUSUB: Yaa Hadda Loo Saadaalinyaa In Loo Magacaabo Taliyaha NISA?

0
SHARE

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maalmaha soo aadan magacaabo taliyeyaasha ciidamada NISA iyo Booliiska, maadaama aanu dalka taliyeyaashaasi lahayn.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in hadda rajo aad u wanaagsan uu qabo in taliyaha NISA loo magacaabo C/raxmaan Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dad kala taliya arrimaha ammaanka, waxaana codka uu qaaday loo badiyey in Tuuryare xilkaasi loo magacaabo.

Waa suurtagal in Farmaajo uu shaqsigan soo magacaabo, waana suurtagal inaanu magacaabin.

Tuuryare oo aan horay loo amaanin waxqabadkiisa ayaa dedaal badan ugu jira sidii uu mar kale ku noqon lahaa taliyaha NISA.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE