Home WARARKA XOG Cusub: Itoobiya & Soomaaliya oo u ololeynaya in IGAD ay Urur...

XOG Cusub: Itoobiya & Soomaaliya oo u ololeynaya in IGAD ay Urur Argagaxiso u aqoonsato ONLF & Sababta ka dambeysa

0
SHARE

Dawladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya soo saareen la hor geeyo shir Madaxeedka IGAD si loo ansixiyo, Waxayna Itoobiya ku qancisay Soomaaliya inay Soo jeedin ka dhex samayso Urur Goboleedka IGAD si loogu waafaqo Go’aankoodii Golaha Wasiiradda Somalia ay u aqoonsadeen ONLF Inay tahay Urur Argagixiso, iyadoo Itoobiyana ay noqon doonto Dalka ugu horeeya ee taageera soo jeedinta Somalia.

Somalia, Itoobiya, Jabuuti, iyo Kenya ayaa la rumaysan yahay inay oggolaan doonaan in Ururka ONLF in loo aqoonsado Argagixiso, Waxaana la sii saadaalinayaa inay diidi doonaan Sudan, Uganda iyo Tanzania, taasoo ka dhigan in la raaci doono halka Codku u badan yahay oo noqon doonta in ONLF loo aqoonsado Argagixiso.

HOOS KA DAAWO WARIYE AYAANLE OO Sir Ka Bixiyay Dhiibida Qalbi-dhagax

Xeeldheerayaasha ayaa aaminsan in hadii arrintan ay suuragasho inay waajib ku noqon doonto Dalalka IGAD inay soo qabqabtaan Xubnaha ONLF ee Dalalkooda jooga, kuna wareejiyaan Itoobiya.

Ururka ONLF kuma jiro Liiska Ururadda Argagixisadda ee Qaramadda Midoobay iyo Maraykanka toona, Waxayna Adduunyaddu u aqoonsan tahay Jabhad Qadiyad Madaxbanaani Dhuleed u dagaalamaysa, Balse Itoobiya oo Dagaal kala dhaxeeyo Ururkan ayaa u aqoonsan Koox Argagixiso ah.

Soomaaliya ayaa noqotay Dalkii ugu horeeyay ee Aragtidaas la qaata Itoobiya, Isla markaana u aqoonsado Ururkaasi Argagixiso.

Xukuumadda Somalia oo Xubin sare oo ka tirsanaa Ururkaasi, ahaana Muwaadin Soomaali ah ku wareejisay Itoobiya, Isla markaana u aqoonsatay Ururkaasi mid Argagixiso ah ayaa ku dadaalaysa in la mashquuliyo Baarlamaanka Somalia si aysan Go’aan uga gaarin arrintan ka hor Shir Goboleedka IGAD, Waxayna ka cabsi qabaan haddii Baarlamaanku u codeeyo arrintan inay ku diidaan Xukuumadda, taasina waxay keenaysaa in la laalo Go’aankii Xukuumadda.

Baarlamaanka Somalia ayaa Maanta ka yeelanaya Fadhi Gaar ah Go’aanka Xukuumadda Somalia, lamana sii saadaalin karo waxay Natiijaddu noqon karto, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in Guddoonka Baarlamaanka lagu qanciyay arrintaas inaan Cod la galin oo laga dhigo oo kaliya Dood furan oo socon doonta Usbuucyo.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE