Home WARARKA XOG CUSUB: Hub & Lacag lagu wareejiyay Roobow & Shabaab oo Go’aan...

XOG CUSUB: Hub & Lacag lagu wareejiyay Roobow & Shabaab oo Go’aan dil ah gaaray

0
SHARE

Wararkii ugu dambeeyay Wakaalada Warqaad.com ay heleyso ayaa sheegaya in hub aad u badan iyo ciidamo gaar ah lagu wareejiyay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Amar ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu sheegay in Masuuliyiinta uu u diray inay wada hadalka la galaan Sheekh Mukhtaar uu u sheegay in lacag, Saanad ciidan iyo ciidamo gaar ah lagu xoojiyo dagaalka uu kula jiro Al-shabaab.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee qorshaha Shabaab ayaa sheegaya in go’aankooda ugu weyn uu yahay inay dilaan Abuu Mansuur, sababtoo ah hadii uu galo gacanta dowlada Soomaaliya ama uu isku dhiibo waxaa gabi ahaanba burburaya awooda siraha qarsoon ee kooxda maadaama uu Sirdoonka Mareykanka iyo Dowlada Federaalka ku wareejinayo xogaha aan caadiga aheyn uu ka hayo Al-shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa mar soo noqday Hogaamiye ku xigeenka Al shabaab sidoo kale mar wuxuu ahaa Afhayeenka ururka, walow khilaaf dhowr ah uu xilalkaasi kaga tagay.

Si kasta ha ahaatee Al shabaab ayaa laga war helay inay ciidamo badan geeyeen deegaan u dhow halka uu ku sugan yahay Sheekh Mukhtaar waxaana la filan karaa dagaalka sedexaad ee dhex mara labada dhinac inay ka soo baxdo natiijo guul ama guul daro u ah Mukhtaar Roobow.

Dowladda Mareyknka ayaa Wadaadkaan lagu Magacaabo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur ka saartay Liiska waxa loogu yeero Argagixisada 24-kii June ee Sanadkaan,waxaana tan iyo waxii Xilligaas ka dambeeyay uu wajahayay Cadaadis uga imaanayay Al-shabaab.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE