Home WARARKA XOG CUSUB: Gabre oo Waji kale Soomaaliya ku soo galaya

XOG CUSUB: Gabre oo Waji kale Soomaaliya ku soo galaya

0
SHARE

Wakaalada Warqaad.com ayaa heshay Xog ku saabsan in Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu codsi u diray Jeneral Gabre.

Gabre ayaa ahaa Sarkaal itoobiya u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya inkastoo mardhow xilkaasi laga qaaday, hadana waxaa wali lagu dhex arkayaa siyaasada Soomaaliya.

Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku wareersan qaabka loo xalinayo khilaafka ka taagan soo magacaabista wasiirada cusub ee Puntland oo laga sugayo, waxaana jira xiisad ka dhaxeysa Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo dhinac ah iyo odayaal dhaqameedyo, Siyaasiyiin, iyo Madaxweyne Gaas oo dhinac kale ah.

Masuul ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa u sheegay Warqaad.com in Cabdi weli Gaas oo hawsha Soomaaliya dib ugu soo celinayo Gabre, si uu fara galin ugu sameeyo beelaha muran iyo khilaaf ku wada wasiirada uu soo magacaabayo.

Masuulkaan ayaa sheegay in ay wax laga xumaado ay tahay odayaasha iyo aqoonyahadii oo jooga in Madaxweyne Gaas uu wacdo Gabre oo ah ninka ay Soomaalida ugu neceb tahay.

Xiriir wanaagsan ayaa dhaxeeya Maamulka Puntland iyo Dowlada Itoobiya waxaana hore ay u kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo ka madax banana dowlada Soomaaliya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE