Home WARARKA XOG: Axmed Madoobe Oo Laga Yaabo Inuu La Safto Gaas Iyo Shariif...

XOG: Axmed Madoobe Oo Laga Yaabo Inuu La Safto Gaas Iyo Shariif Xasan

0
SHARE

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadda waxa uu ogaaday in qaska siyaasadeed ee dalka ka jira ay mas’uul  ka tahay dowladda Federaaka oo isaga shaqsi ahaan aad u taageero, welina aan kahor imaan ammarkeeda.

Axmed Madoobe ayaa hadda waxaa laga yaabaa inuu taageero mowqifka ay qaateen Gaas iyo K/galbeed, sidoo kalena uu ku biiro maamullada diidan siyaasadda dowladda Federaalka ee ku aadan arrimaha maamul goboleedyada.

Xogta waxay sidoo kale sheegeysaa in Axmed Madoobe laga dhaadhicinayo inuu taageero xulufada Sacuudiga, uu qaato qarash badan oo loo hayo, walibana ka badan midka maamullada kale la siiyay.

24-ka saac ee soo socda ayaa la ogaan doonaa wax walbo oo ku aadan maamulka Jubbaland iyo sidoo  kale go’aanka madaxweyne Madoobe.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE