Home WARARKA XASAASI: Ururka Shabaab oo Donald Trump ku tilmaamay Nin Madaxa looga jiro

XASAASI: Ururka Shabaab oo Donald Trump ku tilmaamay Nin Madaxa looga jiro

0
SHARE

Muuqaal ay soo saartay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu yahay maal qabeen aan maskax lahayn.

Muuqaalkan oo ay baahisay Al-shabaab,ayaa lagula maadeystay Madaxweynaha Mareykanka,waxaana ay si gaar ah ugu dhaliileen dadlka Mareykanka doorashadiisii.

Waxaa muuqaalka lagu sheegay in Donald Trump uu yahay Madaxweynihii ugu xumaa ee uu abid yeesho Waddan Dunida ku yaalla,waxaana ay sheegeen in uusan ahayn nin u qalmay madaxtinimada Mareykanka.

Weerarrada sii kordha ee Kenya ayey sheegeen in uu sii socon doono iyada oo wax ka yar labo todobaad ay ka dhiman tahay Doorashada Madaxtinimada Dalka Kenya.

Madaxweyne Donald Trump markii uu la wareegay Talada Mareykanka waxaa uu kordhiyay weerarrada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab,waxaana warbixin ay soo saartay Dowladda Mareykanka lagu sheegay in Al-shabaab ay noqotay kooxda khasaaraha dhimasho ee ugu badan Afrika geysatay Sanadkii 2016ka.

Weerarrada Al-shabaab ee Sanadkii 2016 ayaa lagu sheegay 359 weerar,waxaana ka dhashay dhimashada dad ka badan 700 oo Qof.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE