Home WARARKA Wasaaradda Gaashaandhiga oo Saraakiisha Ciidamada uga digtay in la Askareeyo Caruurta

Wasaaradda Gaashaandhiga oo Saraakiisha Ciidamada uga digtay in la Askareeyo Caruurta

0
SHARE

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay maanta Munaasabad looga hadlayay ka hortaga Askareynta Caruurta da’dooda ka yar tahay 18-sano, waxaana soo qaban qaabisay Waaxda Wasaaradda Gaashaandhiga u qaabilsan Ka Hortaga Askareynta Caruurta.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal, Xubno ka kala socda Labada Aqal, Saraakiil sar sare iyo Masuuliyiin kale, iyadoo halkaasi laga jeediyay Khudbado looga hadlayay Dhibaatooyinka Caruurta Soomaaliyeed kasoo gaara Askareynta iyo sida looga hortagi karo.

Abaanduulaha Taakuleynta Ciidamda Xoogga Dalka General Bile Aadan Ibraahim oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la raaco Shuruucda u degsan Ciidamada, Dambi weyna ay tahay in la askareeyo caruurta da’dooda ka yar tahay 18-sano, wuxuu sheegay in iyaga ay ku dhaqmi doonaan Shuruucda Askareynta, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo falkaasi ku kacda.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa uga digay Talisyada ciidamadda Xoogga inay askareeyaan Caruurta yar yar, isagoo balanqaaday in Wasaaradda Gaashaandhiga ay xoojin doonto la dagaalanka dadka caruurta Askareeya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE