Home RA’YIGA Wareysigii Xiisaha lahaa ee aan la yeeshay Qoraal Duurgal (Aqri)

Wareysigii Xiisaha lahaa ee aan la yeeshay Qoraal Duurgal (Aqri)

0
SHARE

Magaceygu waa Mukhtar Hussein Maalin, waxan halkan idin ugu soo gudbinayaa Wareysi aan la yeeshay Qoraa ahna Saxafi rug cadaa ah Maxamed Faarax Cali Duurgal.

Suxufiga waa kan Nabadda iyo is jaceylka bulshada ka shaqeeya.

Saxaafadda oo ah mid ku taxaluqda u gudbinta Warar iyo Maaweelo Bulshadu u baahantahay ayaa dadka ku howlan arrimahaas ay siyaabo kala duwan u adeegsadaan Qalinkooda iyo waxa ay tebinayaan, waxana jira dad ku saleeya Qormooyinkooda Mucaaradnimo iyo ka hor imaansho kolba wixii socda Xitaa haddii ay tahay Nabadda.

Haddaba Maxamed Faarax Cali Duurgal oo wax badan ka qoray Nabadda iyo Sheekooyin wacyigelin is jaceyl ku saabsan ayaa ii suurta gashay inan wareysi kula yeesho Magaalada Kampala.

Waxana Su’aashii ugu horeysay ee aan weydiiyey ay aheyd Xiligii uu saxaafadda ku soo biiray ?

Duurgal: Markii ugu horeysay ee aan saxaafadda ku soo biiray waxay aheyd 1984, waxana Xasuustaa Maqaalkii ugu horeeyey ee aan ku qoro Wargeysigii Xidigta October ee Dowladdii Xiligaa jirtay, ayna soo saari jirtay Wakaaladdii Madbacadda Qaranka, kaas oo ku soo baxay Boggiisa dhaqanka iyo Aqoonta, waan Xasuustaa Ciwaankiisii waxa uu ahaa “Dhaqanka Wanaagsan waa dhaxal lagu faani karo”

Wariye Maalin: Waxan ku weydiinayaa Yaa kugu dheeri geliyey inad Saxaafadda ku biirto ?

Duurgal: Runtii waxa igu dheeri geliyey Walaalkeey iga weynaa C/qaadir Faarax Cali (Kolombo) Kaas oo wariye ka ahaa Radio Muqdisho, 1982 waxa uu tebin jiray Barnaamij la yiraahdo Codka Wadaniga, Sidoo kalana waxa uu Radio Muqdisho ka sheegi jiray Barnaamijyada Daljir ee Ciidamada Qalabka sida iyo Barnaamijka Waano iyo Warcelin oo dadku ay talada ku soo weydiistaan, loona yaqaanay “Ilatali Walaal” marka Maadaama aan guriga kula noolaa waxan Aqrin jiray sida uu wax u diyaariyo, taas ayaana ii suurta gelisay inan wax ku qoro Wargeyska Xidigta October, Sheekooyinka aan ku qoray Wargeyska ee aadka loo jeclaa waxa ka mid ahaa SAMRAA MA QADO iyo AAWAY BARASHADEENII.

Wariye Maalin: Marka laga yimaado Wargeyska Xidigta October waxad Qortay Xiliyadaas Buugaag badan oo aad loo jeclaa, Wax ma iiga Sheegi Kartaa ?

Duurgal: Wariye Maalin aad baad u mahadsantahay Waa Su’aal Muhiim ah, “Haaa” Waan Xasuustaa waxa ku jira kuwa badan oo aan Iloobi karin, Waxana ka mid ah “Dani Jaceyl ma daryeesho, Kulankii Farxadda, Waan Gefay !!! iyo Nabsi Maal Ma daweeyo !!!.

Wariye Maalin: Gartay, Xiligii Burburka ma sii waday Qoraaladaada iyo Howlahaaga Saxaafadda, Maxaase ka mid ah Waxyaabihii aad Qortay ?

Duurgal: “Haaa” waa sii waday, Qoraanimada iyo Wariyinimadu inuu qofku ku shaqeysto ka sokoow, hadana waa mihnad Macaan oo qofku inuusan ka haro jacleyn …. Intii burburka Wargeysyo badan ayaan wax ku qorayey, Warbaahin badana Warar waan siinayey, Iyaddoo markasta Sheekooyinkeyga aan ku saleyn jiray Sidii dadku ay u fahmi lahaayeen Dowladnimada ugana shaqeyn lahaayeen Nabadda, Waxana ka mid ah Wargeysyadaas aan wax ku qorayey Wargeyska Xog-ogaal oo aan ku qorayey Sheekaddii Xiisaha laheyd  ee “GARDARAN !!!”  Sidoo kalana waxan Sheekooyin badan ku qoray Wargeyskii Arrimaha Bulshada ee Ayaaha Nolosha, waxana xasuustaa Maqaal aad u xiiso badnaa oo aan ka qoray Nabadda oo hadleysa, Kaas oo Ciwaankiisu ahaa “WAXAN AHAY NABAD!!” horaantii 2004.

Wariye Maalin: Maxay tahay Farqiga u dhexeeya Habkii ay u shaqeyn jireen Saxafiyiintii hore iyo kuwa hadda la jaan qaaday isbedelka Casriga ah ee Tiknoolajiyada ?

Duurgal: Runtii kuwa hadda aad beey u nasiib badan yihiin waxayna heleen, aalado ay si fudud ugu adeegsadaan Shaqadooda oo casri ah, sida Computerka iyo Aaladda Codadka lagu duubo ee MP3-ga, halka wagaaa la adeegsanayey Qalin iyo Rikoor yar, dhibaato badana lala kulmi jiray, internetna ma jirin, kaas oo hadda wax walba sahla.

Wariye Maalin: Duurgal Meeqo Sano ayaad hadda Soomaaliya moogtahay ?

Duurgal: Waxan Soomaaliya ka soo tegay 2010 Ilaa hadana waxan ku suganahay Dalka Uganda, meelna ugama bixin.

Wariye Maalin: Ugu Dambeyn Maxaad u soo jeedin laheyd Qorayaasha iyo Suxufiyiinta Da’da Yar ?

Duurgal: Waxan u soo jeedin lahaa in Cudurka is naceybka iyo Colaadaha ay ku daweeyaan Qalinkooda, waxan u soo jeedin lahaa in Howlahooda saxaafadda ay uga faa’ideystaan Abuurista Bulsho is jecel oo nabadda ka shaqeysa, Sidoo kalana Dowladdooda Taageeraan ayna garab istaagaan.

Mahadsanid Qoraa Sare Mudane Maxamed Faarax Cali Duurgal

W/Q: Mukhtar Hussein Malin
Email: Nabadbile@gmail.com

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE