Home WARARKA WARBIXIN: Intee ayay la eg tahay Awooda Kooxda Daacish ee Somalia?

WARBIXIN: Intee ayay la eg tahay Awooda Kooxda Daacish ee Somalia?

0
SHARE

Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay khatarta muuqatada ee Xoogaga Daacish ee ka howlgalla Degaano dhaca Maamulka Puntland.

Warbixin ka soo baxday qubaro ka mid ah Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in Xarakada Al Shabaab weli ay ku xoogan yihiin qeybo ka mid Koonfurta Soomaaliya.

Qubaradan ayaa sidoo kale warbixintooda ku daray Dagaal yahano hubeysan oo dhawaan ku dhaqaaqay in ay ka mid yihiin Daacish ay ku sugan yihiin Degaano hoostaga Maamulka Puntland.

Qoraalkan ayaa lagu shaaciyay qiyaas ahaan 6 kun ilaa 9 kun in ay dhan yihiin guud ahaa Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Daacish ee Degaanada Puntland.

Ugu dambeyn, warbixinta ka soo baxay Qaramada Midooby ayaa lagu xusay in weli ay muuqato khatarta Xarakada Al Shabaab maadaama Xarakada ay sheegatay weeraro dhawaan siyaabo kalad duwan uga dhacay Caasimada Soomaaliya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE