Home WARARKA Wararkii Ugu Dambeeyay: Ciidamadii Mukhtaar Roobow oo dagaalkii ugu xooganaa ku qaaday...

Wararkii Ugu Dambeeyay: Ciidamadii Mukhtaar Roobow oo dagaalkii ugu xooganaa ku qaaday Shabaab & Xog kasoo baxeysa Khasaaraha

0
SHARE

Xoogaga Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa weerar culus ku qaaday kolonyo ay la socdeen mintidiinta Ururka Al Shabaab, xilli ay marayeen Gobolka Bakool.

Xoogaga Abuu Mansuur, ayaa Salaaddii Casir ka dib weeraray kolonyadan oo marayay meel ku dhow Deegaanka Abal oo 18km u jirta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalkan oo ahaa mid faraha looga gubtay, ayaa waxa uu soo gaaray Salaaddii Maqrib, ka dib markii la sheegay inay halkaasi ka gurteen maleeshiyada Shabaabka, iyagoo meydad wata.

Xoogaga Abuu Mansuur, ayaa xalay weerar kaloo culus ku qaaday Deegaanka Sayniilow oo 45km koonfur bari kaga toosan Magaalada Xudur, iyadoo halkaasi ay Shabaabku ku aasayeen meydadka raggii shalay galab looga dilay dagaalkii Abal.

Wararka, ayaa sheegaya in dagaalkani uu soo gaaray caweysnimadii xalay, waxaana uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, inkastoo aan faah faahinta laga hayn inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiisha, ayaa waxay sheegeen in dagaalkani uu ka duwan yahay kuwii horey u dhex mari jiray Shabaabka iyo dagaal-yahanada Abuu Mansuur, sababo ku aadan kuwa Abuu Mansuur oo difaac ku jiri jiray.

Abuu Mansuur oo muddo dheer ku dhuumaaleysanayay buuraha Deegaanka Abal, ayaa marar badan weeraro kala kulmay Shabaabka, iyadoo ay si weyn u difaaceen maleeshiyad ku heyb ah, oo uu tababaray.

Dowladda Somaliya, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay Abuu Mansuur kula jirtay wada hadal ah, in uu kala qayb qaato dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Ururka Al Shabaab. Madaxda Dowladdu waxay qabaan in ninkani uu garanayo sida loola dagaalamo Shabaabka.

Labada weerar ee shalay galab iyo xalayba ay qaadeen xoogaga Abuu Mansuur, ayaa waxay ku soo beegmayan, xilli maalin ka hor uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) uu iclaamiyay dagaal cusub oo ka dhan ah Al Qaacidada Somaliya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE