Home WARARKA Turkish Airlines oo soo Bandhigtay Sir ku saabsan Dhaqaale ay Somalia ka...

Turkish Airlines oo soo Bandhigtay Sir ku saabsan Dhaqaale ay Somalia ka hesho

0
SHARE

Mustafa Ozkahraman,oo ah Maamulaha Turkish Airlines ee Kenya oo wareysi siiyay Reuters ayaa sheegay in Somaliya ay ugu horreyso meelaha ay ka faa’idaan duullimaadyadooda Afrika.

Waxaa uu sheegay in Turkish Airlines ay tahay Sharikadda kaliya ee Caalamiga ah ee ka howlgasha Soomaaliya islamarkaana aysan Sharikadaha kale u heysan in Soomaaliya lacag iyo Ganacsi laga sameyn karo.

14 Dal oo Afrika ah ayuu sheegay in ay duullimaad ku marto iyada oo sameysa 52 duullimaad oo Istanbuul iyo Afrika u dhaxeeya.

lixdii bilood ee ugu horreeyay Sanadkan 2017 ayuu sheegay in Sharikaddiisu ay Afrika ka heshay Dakhli gaaraya $434 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Sharikadda Turkish Airlines ay 49% Dowladda leedahay taas oo ay adeegsadaan Rukun dhan 1Bilyan oo qof Caalamka oo dhan Sanadkiiba.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE