Home WARARKA TopNews: Xiisad Xasaasi ah oo ka dhex taagan Itoobiyaanka iyo Kenyanka kusugan...

TopNews: Xiisad Xasaasi ah oo ka dhex taagan Itoobiyaanka iyo Kenyanka kusugan Magaalada Kismaayo

1
SHARE

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo Ayaa tibaaxaya in durba magaaladaasi laga dareemaayo Khilaaf u dhaxeeya Ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugan Iyo Ciidamada itoobiya ee maalmo kahor halkaasi gaaray.

Iyadoo Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 400 oo Askari ay iminka ku suganyihiin Kismaayo, Ayaa wararka naga soo gaaraya ilo galangal uleh Arimaha Ciidamada waxay sheegayaan in Khilaafka ciidamadaasi ka dhex aloosan laga dareemaayo Magaalada gudaheeda.

Arimaha ku saabsan Khilaafkani Ayaa la sheegaya Inuu ka dhashay Hanaanka loo qeybsanaayo awooda AMISOMta Kismaayo ku sugan, iyadoo horay kenyanka ay toos isaga maamulanayeen garoonka Iyo Dekadda Kismaayo, Ayaa Ciidamada itoobiya waxay sheegeen ineysan yeeleyn in Kenya ay iska maamulato Ilaha dhaqaalaha Degmada Kismaayo.

Itoobiyaan Ayaa fariisimo ka sameystay Dekada Iyo garoonka Kismaayo halkaasi oo ay horay Kenya kaligeed u daganeyd, waxaana culeys dhinacaasi ka dareemay Ciidamada Kenya.

Dhaqaalaha badan ee kasoo baxa Dekada Iyo airport ka Kismaayo Ayaa waxaa ku loolamaya awoodahani shisheeye ee halkaasi ku wada sugan waxaana taxliiliyayaasha siyaasadda ay sheegayaan in itoobiyaanka la dhaqanka Soomaalida ay kaga firfircoonyihiin kenyanka Tiiyoo ay dheertahay in qabaa’ilada Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin Jawaasiis danahooda u adeega, lamana oga sida ay ugu heshiin doonaan dhaqaalahaasi xad kabaxa ah ee kasoo xarooda Degmada Kismaayo.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE