Home WARARKA Tooshka Warqaad: Wasiirka Arimaha Gudaha oo lagu Tuhmay Dad la dilay

Tooshka Warqaad: Wasiirka Arimaha Gudaha oo lagu Tuhmay Dad la dilay

0
SHARE

Xildhibaanadda Gobalka Mandhera ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Mandera, waxayna ugu baaqeen Hay’addaha Ammaanka Kenya inay joojiyaan dilalka iyo dadka lagu la’ yahay Mandera.

Xildhibaanadaasi oo uu horkacayo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ku leh Barlamaanka Mandera Council Assembly (MCA), Robow Mohamed, waxay ku eedeeyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery inuu mas’uul ka yahay dadka lagu la’ yahay W/bari Kenya.

Waxay sheegeen inuusan Wasiirkaasi sharciga ka sarreynin, loona baahan yahay in lala tiigsado Dastuurka u yaalla dalka Kenya.

“Nkaissery waxa uu sheegay in hooyadii 48-jirka ah ee maydkeeda la helay ay Cunto-kariye u ahayd Alshabaab, taasi ayaana xaqiijinaysa inay Hay’adda Ammaanka ka dambeeyeen dilkeeda” ayuu yiri Roobow Mohamed.

Dhinaca kale, Xildhibaan Mohamed Abdi oo laga soo doorto Koonfurta Ceel-waaq Kenya, kana tirsan Barlamaanka Mandera Council Assembly (MCA) waxa uu tilmaamay in la la’ yahay 12-qof, wuxuuna ku baaqay in la helo dadkaasi  iyagoo nool ama mayd ah.

Hadalkooda ayaa soo baxay iyadoo isbuucii hore la hadal-hayey in Qabuur-wadareed laga helay duleedka Mandera, wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya ku goodiyey inuu Tallaabo Sharci ah ka qaadayo dadka ka dambeeya Wararkaasi lagu kicinayo Bulshadda.

Khamiistii la soo dhaafay waxaa muddo kooban Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi lagu xiray Senator Billow Keerow iyo 4 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, kuwaasi oo wax laga weydiiyey Hadalkoodii ku aadanaa Qabuur-wadareedka laga helay duleedka Mandera.

Senator Billow Keerow waxa uu raalli-gelin ka bixiyey arrintaasi, isagoo sheegay inuu ka xun yahay hadalkaasi.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE