Home WARARKA Waare oo amar ku baabi’iyay deegaano horay degmooyin ugu magacaabay Cali C/llaahi...

Waare oo amar ku baabi’iyay deegaano horay degmooyin ugu magacaabay Cali C/llaahi Cosoble

0
SHARE

Maamulka Hirshabeelle uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magacaabista kala laabtay deegaano dhawaan degmooyin u magacaabay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble sida deegaanada Halgan,Ceel Cali iyo Far-libaax oo ka tirsan gobolka Hiiraan

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Maanta markale sheegay in dib u eegis lagu sameynayo degaanadaas oo uu horey degmooyin ugu magacaabay Madaxweynihi hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble,Isagoo sheegay in xilligaan aysan dhameystirneyn wixii looga bahnaa in ay degmooyin loo aqoonsado.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in Magacaabista deegaanadaas in ay noqdaan degmooyin ay uu go’aanka ugu dambeeyo yeelan doono Baarlamanka Maamulka Hir-Shabeelle.

Hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabelle ayaa  waxa uu imaanayaa xilli Bishii Augusto Sanadkii tegay 2016kii uu deeganada Farlibaax Ceel-Cali iyo halgan uu degmooyin u magacaabay Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE