Home RA’YIGA Masaa’ib noocee ah baa ka dhalan karta dhiiggan maalin walba la daadinayo...

Masaa’ib noocee ah baa ka dhalan karta dhiiggan maalin walba la daadinayo ?

0
SHARE

Inta aanan ka hadlin nooca masaa’ib ee ka dhalan karta dhiiggan maalin walba la daadinayo, Aan marka hore ka warammo sida uu raqiiiska u noqday dhiigga qofka Soomaaliga iyo waliba hantidiisa. Aan sidoo kale ka warammo, Waxa ay diinteennu ka qabto in la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo aan waxbo galabsan. Walaalayaal, Waxaa iska daadanayo dhiigga dadka Soomaalida muddo ku dhow sodon sanadood haddii aysanba ka badneyn, Iyadoo aan qiil loo heli karin arinkaasi shaniica ah ee ku xun sharciga Alle iyo waliba caqliga saliimka ah.

Dhiiggan, Ayaa ku daadanayo goob kasta oo ku taallo 18-ka gobol ee uu ka kooban yahay Dalkeenna hooyo. Waxa uuna hadda gaaray meel halis ah oo aan ka baqayo in uu soo dego ciqaabkii Alle sidii caadadaba ahaan jirtay marka uu dulmigu bato. Dhiiggan, Ayaa waxaa daadinayo dad Soomaali ah oo isticmaalayo magacyo kala duwan sida magac dowladeed, mid diimeed, mid maamul goboleed, mid qabiil iyo waliba mid kooxeed. Waxaa sidoo kale dhiiggan daadinayo ciidamo shisheeye oo ay ku jiraan kuwo ka soo jeeda dalal aannu cadow nahay.

Sidan soo sheegayba, Waxa uu noqday dhiigga qofka Soomaaliga ee maanta ku nool gudaha dhulka hooyo mid raqiis ah oo aan wax qiimo ah lahayn. Waana sababtaasi sababta igu kalifaysa inaan qormadan qoro si aan dadka Soomaaliyeed uga digo dhibaatooyinka ka dhalan karta musiibadan la caadeystay ee ay caiqaabteedu adag tahay Aakhiro iyo Aduunba sida uu Alaahba ku sheegay Quraakiisa kariimka, Islamarkaana uu cadeeyey Rasuulkiisa Muxamad salalahu calyhi wasalam.

Dhiiggan, Ayaa la daadiyaa, Iyadoo la adeegsanayo magacyo kala duwan. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa dhiig lagu daadinayo magac diimeed, Iyadoo lagu andacoonayo in la difaacayo diinta islaamka iyo waliba dadka Soomaalida. Waxaad sidoo kale arkeysaa dhiig kale oo Isagana lagu daadinayo magac dowladeed, Kaasi oo noqday magaca ugu badan ee lagu daadiyo dhiig dad Soomaali ah tan iyo markii la qaatay xoriyadda walow ay jiraan dad arinkaasi igu diidi kara.

Waxaa kaloo jira dhiig kale oo lagu daadiyo magacyo sida waxaannu nahay dal madaxbanaan oo kale. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa dad Soomaali ah oo lagu leynayo maxay uga soo horjeedaan qadiyadda gooni-isutaagga ee uu maamulkeennu u sacyinayo. Waxaad sidoo kale arkeysaa dad kale oo Iyagana lagu dilayo maxay uga soo horjeedaan maamul goboleedkeenna iyo nidaamka federaalismka ee ay Itoobiya noo soo dhiibtay.

Waxaa waxaasi oo dhan ka daran dhiigga kale oo isagana loo daadinayo aano qabiil. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa dad loo dilayo waxa ay ka sooo jeedaan reer hebel qura oo hadda ka hor naga dilay fulaan hebel. Sow Alla ma oran “Walaa taziru waa ziratun wizra ukhraa” Hadabo, Waa maxay dadkan loo ciqaabayo danbi aysan gelin ? Waxaa taa ka daran dhiigga kale ee isna loo daadinayo muran la xariira xagga dhulka. Tusaale ahaan, Waxaad maqleysaa dhiig u daatay dhul dhowr mitir ah oo baraag laga dhiso !!

Dalkan lama ilaaliyo wax khusuusiyaad ah, Gaar ahaan marka la is dilayo ama la dagaalamayo. Tusaale ahaan, Lama ixtiraamo rixim, xididtinimo, qaraabanimo, darisnimo, saaxibtinimo iyo waliba musaafir. Waxaad arkeysaan dumar la dilayo iyo caruur. Waxaad sidoo kale arkeysaan waayeel la dilayo iyo wiil curad ah. Ma garaneysaan inta jeer ee laga oohinsiiyey caruur yar yar oo waalidkood si xaqdarro ah loo dilay, Ugu danbeyn ku dhacay meel cidla ah ? Ma garaneysaan inta jeer ee laga oohinsiiyey gabdho Soomaaliyeed oo raggooda shaqo u dirsaday, Ka dibna loo keenay Iyagoo meyd ah ?

Markaad u fiirsato waxyaabaha dhacayo, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in dalkani aanu noqon karin dal uu ku noolaan karo qof bini’aadam oo uu Alle karaameeyey. Waxaa sidoo kale kuu soo baxaysa in xitaa xayawaanku ay ku adag tahay in uu ku noolaado dal noocan oo kale ah. Sidee loogu noolaanayaa yaa turaa dal uu raqiis ka noqday dhiigga qofka muslimka iyo waliba hantidiisa ? Bal fiiriya wixii ka dhacay Is-goyska Soobe ee magaalada Muqdisho iyo waliba weerarada kale ee lagu qaado goobaha ay ka dhow yihiin dadka rayidka ah. Ma qiyaasi kartaan inta qof ee Soomaali ah oo dhimatay bisha Oktoobar ee aannu soo dhaafnay ? Ma taqaanaan inta qof ee ku dhimatay dagaaladii Bariire ??

Hadda waxaa la marayaan in la isugu yeerto wax alaale iyo wixii shisheeye ee Aduunka joogay, Kuwaasi oo lagu oronayo: Fadlan noo imaada oo laaya dadkeenna. Waxaa sidoo kale la marayaa in dalal shisheeye laga codsado inay hubkooda ku tijaabistaan buuraha, dooxooyinka, badaha iyo waliba dhulalka beeraha ee ay rayidku ka agdhaw yihiin. Waxaa sidoo kale la marayaa in dalal shisheeye oo qaarkooda iska soo horjeeda loo ogolaado in saldhigyo militari ka furtaan gudaha dalka. Waxaana runtii ka baqayaa in dalkani { laa samaxa laah } uu noqdo goob ay ku dagaalamaan dalal shisheeye ama uu noqdo goob lagu aaso sunta iyo kiimikooyinkan wax baabi’iya.

Anigu, Waxan mararka qaar isweydiiyaa sababta ay Baduhu u daawanayaan waxan dhacayo ? Waxaan sidoo kale isweydiiyaa waxa keenayo in Arladu ay daawato dhiiggan macsuumka ee maalin walba dusheeda lagu daadinayo, Mise dhiigga ayaa ah mid xaaraam ku barbaaray ? Sow Nabigeennu ma oran Salalahu calayhi wasalam ” Aduunyada oo zuusha waxaa Alle uga daran dilka qof Muslim oo xaq-darro lagu dilo ” Sow Xadiith kalo ma ahayn ” Kacbada oo la dumiyo, Waxaa Alla uga daran dilka qof Muslim ah”. Muxuu gargaarka Alle u imaan la’yahay mise meeshu ma joogaan wax mudan in loo gargaaro ?

Haddii aan wax ka iraahdo waxa ay Diinteennu ka qabto in la daadiyo dhiig macsuun ah. Walaalayaal, Diinteennu waxa ay meel adag iska taagtay qubidda dhiig xaaraam ah. Waxaana arinkaasi ku soo arooray aayado badan iyo axaadiith saxiix ah, Kuwaasi oo dhamaantood cadeynayo sida ay u reeban tahay in la daadinyo dhiiggan macsuum ah. Waxaana ka mid ah nusuustaasi aayadda 93-aad ee suuratu Al-nisaa oo uu Alle gudaheeda ku sheegay shan ciqaabood oo uu mudanayo qofkii dilaa qof Mu’min ah biduuni xaqin. Waxa uu Alle yiri “Qofkii dila qof mu’min si kas ah, Jazadiisu waa Jahanamo Isagoo waliba ku waarayo, halka uu dhinaca kalena kasbanayo caro Alle, lacnad iyo waliba cadaab daran”

Waxaa sidoo kale masaladan ku soo arooray aayado badan sida aayadda 151-aad ee suuratu Ancaam, Aayadda 68-aad ee suuratu Furqaan iyo waliba aayadda 33-aad ee suuratu Al-israa, Kuwaasi oo dhamaantood si adag u reebay in la daadiyo dhiig macsuum ah oo uu Alle ilaaliyey. Waxaa sidoo kale iyana jira axaadiith saxiix ah oo arinkaasi ku soo aroortay. Waxaana ka mid ah xadiith uu warinayo Imaamu Muslim oo uu Nabigu leeyahay salalaahu calayhi wasalam” Ma banaana daadinta dhiig qof Muslim oo qirayo shahaadateynka illaa sedex qof mooyaane oo uu ka mid yahay qofkii dilaa qof kale “.

Waxa uu sidoo kale Nabigeennu yiri” Ka fogaada todobada wax halaagta” Markaasa la weydiiyey waxa ay yihin todobada wax halaagta ? Waxa uuna ku jawaabay ” Ilaahay oo wax lala wadaajiyo, Sixirka, nafta oo la gooyo biduuni xaqin, xoolo Agoon oo la cuno, ribada oo la cuno, gabdhaha wanwanaagsan oo la qadfo iyo cadowga oo laga cararo” Waxaa uu sidoo kale Nabigu yiri salalaahu calayhi wasalam “in qofka mu’minka ahi aanu waasic sanaan ka suuleynin, gaar ahaan xagga diintiisa inta aanu ka daadinin dhiig macsuum ah”.

Nusuusta aan soo sheegay iyo kuwa kalo oo lagu darayba, Waxa ay dhamaantood cadeynayaan inayan sina u banaaneyn in la daadiyo dhiig macsuuum ah sabab kastaba ha keentee. Waxa ay sidoo kale nusuuntaasi noo xaqiijineysa in uu ciqaab iyo cuquubo adag mudan doono qofkii daadiyo dhiig xaaraam ah. Sow maydan aqrin aayadda 93-aad suuratu Al-nisaa ? War sow midan arag axaadiith-ta saxiiixa ee sheegeysa in ay fududdahay in Kacbada Alle la dumiyo halkii laga daadin lahaa dhiig macsuum ah. War sow midan maqal hadalkii uu Nabiga ku yiri saxaabigii Usaamata Ibnu Zayd ka dib markii uu dilay qof ashahaatay ?

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan cinwaan uga dhigay: dhibaatooyin noocee ah baa ka dhalan kara dhiiggan maalin walba la daadinayo ? Jawaabtu waxaan leenahay; Waxaa ficilkan shaniica ka dhalanayo dhibaatooyin badan oo aan hal qormo lagu soo koobi karin, Dhibaatooyinkaasi oo si isku mid ah u saameynayo fardi iyo mujtamacba. Waana sababtaasi sababta keeneysa inaan qormadan qoro, Si aan dadka Soomaaliyeed uga digo masaa’ibta ka dhalan karta ficilkan xun ee la caadeystay Isaga iyo waliba kuwa la midka ah.

Maadaama dhiig macsuum ah oo la daadiyo uu ka mid yahay danbiyada waa weyn ee loo yaqaanno kabaa’irta, Kuwaasi oo leh xad iyo cuquubo adag oo saaxiibkeeda aan ka harin Aakhiro iyo Aduunba, Islamarkaana ay ka dhashaan masaa’ib badan oo saameysa fardi iyo mujtamacba. Walaalayaal, Sida aad ka warqabtaanba gelidda danbiyada wa weyn waxaa ka dhasho caro Alle iyo ciqaab daran. Waana sababtaasi sababta loo halaagay Umado badan oo koonkan mar un ku noolaan jiray sida qowmu Nuux iyo qowmu Luud oo kale. Wali ma isweydiiseen sababaha loo halaagay qowmamkaasi ?

Ma isweydiiseen sababaha loo ciqaabay reer Caad iyo reer Thamuud oo runtii ahaa dad waa weyn xagga jirka ? Sidoo kale, Dib ma u milicsateen waxyaabaha keenay in la baabi’iyo qowmu Shuceyb, qowmu Fircoon, Qaaruun iyo waliba reer Quraysh ? Maxay ku kala duwan yihiin danbiyadii ay galeen ee dartood loo ciqaabay iyo waliba kuwa aad maalin walba galeysaan sida daadinta dhiig macsuum oo kale ? Mise Adinku waxaad haysataan balanqaadyo ay idin reebeen Odayaashii aad ka soo farcanteen sida Daarood, Hawiye, Sheekh Isxaaq iyo kuwa la midka ? Sow ma ogidiin in danbi uu danbi yahay ?

Kabaa’irta oo la galo, Waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo aan hal qormo lagu soo koobi Karin sida laga fahmayo nusuus badan oo isugu jirta aayado iyo axaadiith saxiix ah. Waxaana dhibaatooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda oo intooda badan aad had iyo jeer ka cabataan waaxid iyo wadarba. Sida colaado joogta ah, abaar aan dhamaad lahayn, gaajo baahsan, biyo-yari, cuduro aan la aqoon, cabsi maalin walba ah, dadkii oo is naca iyo waliba cadow oo la isku salado. Bal firiiya sida uu u muuqdo xaalka aan ku noolnahay. Maxaadse sugeysaan !!

Xageed u maleyneysaan in ay ka imaanayaan dhibaatooyinka aanu maanta ka cabaneyno, Maxaase u sabab ah ? Anigu, Waxaan qabaa in ay ka imaanayaan danbiyadii aannu galnay. Waana sunno rabbaani in Adoomada la ciqaabo marka uu dulmigooda bato sida uu Alaahba cadeynayo. Alle, Waxa uu ku yiri aayadda 41-aad ee suuratu Ruum sidan: “Waxaa arladii iyo baddiiba ka muuqday fasaad (dhibaato) ay sababeen gacmaha bini’aadamka si aannu u dhadhansiino qeybo ka mid ah wixii ay sameeyeen, Si ay uga soo noqdaan waxyaabihii (danbiyadii) ay sameeyeen ”

Maxaad fileysaan marka aad Rabigiinna caasisaan ama aad adinku is dulmisaan sida hadaba ka taagan dalkeennna hooyo ? Ma waxaad fileysaan roob iyo barwaaqo sida aad jeclaan lahaydeen, Mise hoog iyo halaag iyo waliba abaar daran ? Ma waxaad fileysaan nabad iyo amni iyo waliba dowladnimo ku shaqeysa rabitaankiinna, Adinkoo waliba danbi ku jira ? Kallaa wallaahi. Sow ma ogidiin in ay jirto qaacidda oroneysa: Al-jazaa’u min jinsil camal iyo waliba midda kale ee oroneysa: Kamaa tadiinu tudaan. Tusaale ahaan, Nabad ma ka dhalan kartaa dhul uu maalin walba ku daadinayo dhiig xaaraam ah ?

Danbiyada la galo xittaa waxa ay saameeyaan hab-dhaqanka dadka iyo waliba sida ay u fikiraan. Bal fiiriya hab-dhaqanka Soomaalida maanta nool, gaar ahaan ragga Soomaaliyeed. Waxaa yaraatay alla ka cabsigii, U hogaasankii nusuusta Alle, runtii, amaanadii, naxariistii, dulqaadkii, wax hubsashadii iyo waliba is jaceylkii u dhaxeeyey dadka Soomaaliyeed. Waxaa meesha ka baxay sharafkii iyo qabkii lagu yaqiinay dadka Soomaalida. Waxaa la isu badalay dallaaliin dhulka iibiya iyo waliba sharafka dadka. Bal fiiriya waxa dhacayo iyo sida uu shisheeyuhu ugu cayaarayo masiirka dadka Soomaalida iyo dalkooda.

Ugu danbeyntii, Waxaan soo jeedinayaa in la joojiyo inta ay goori goor tahay dhiiggan sida fudud loo daadinayo. Waxaan sidoo kale soo jeedinayaa in wax walba oo dadka Soomaalida u dhaxeeya lagu dhameeyo wadahadal iyo wada xaajood si looga baaqsado dhiig danbe oo naga daata, Sababtoo ah diyaar uma nihin in uu gacanteenna ku baxo muwaadin Soomaaliyed oo uu dalkani u baahan yahay. Xagee dad laga keenayaa yaa turaa haddii uu dadka dhamaado ? Ogaadana in dhiig la daadiyo aannu xal keeni doonin Aakhiro iyo Aduunba. Waxaana inoo ballan ah wadahadal, musaalaxo iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.

W/Q: Maxamed Ibrahim
Ragow1960@hotmail.com

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE