Home WARARKA MAQAL: Wa la hayaa Hogaamiyihii Weerarkii Xalay Liido,Sida waxa yiri..

MAQAL: Wa la hayaa Hogaamiyihii Weerarkii Xalay Liido,Sida waxa yiri..

0
SHARE

Weerar xoogan ayaa waxa uu ku qaaday Xalay Maqaaxida ay dad badan ku caweenayeen ee ku taalla Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho waxaana kasoo baxayaa weerarkaasi faah faahino dheeraad ah.

HALKAAN RIIX SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa waxa uu saxaafada usheegay in ay hayaan laamaha amniga hogaamiyihii Kooxdii Xalay weerartay Xeebta Liido.

C/fitaax Xalane ayaa waxa uu sheegay in la dilay intooda badan dableydii weerarkaasi soo qaaday hase ahaatee ay ciidanka Amaanka usuurta gashay inay qabtaan maskaxdii ka dambeysay weerarkii Liido.

Waxa la filayaa in Saxaafada loo soo bandhigo Sargaalkaasi la sheegay inuu katirsan yahay Shabaabkii xalay weerarka ku qaaday Baarka laga cunteenayey Ee Liido.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE