Home WARARKA LA OGAADAY: DFS Oo Qorshe Cajiib Ah La Damacsan Mucaaradkeeda

LA OGAADAY: DFS Oo Qorshe Cajiib Ah La Damacsan Mucaaradkeeda

0
SHARE

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markaan waxay qorshe aad u cajiib ah la damacsan tahay mucaaradkeeda ku sugan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa aan xasaanadda lahayn.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in mucaaradka oo maalmahan dambe aamusan in la doonayo in dambiyo loo yeelo si ay u sahlanaato in xabsiga loo dhaadhiciyo.

Waxaa laga yaabaa in lagu soo eedeeyo kiisas halis ah, sida in shaqsiyaadka la doonayo guryahooda hub, lacag ama wax lamid ah la geliyo.

Sidoo kale, DFS ayaa dooneysa in kuwa xasaanadda lehna ay ka shaqeyso sidii xasaanadooda looga qaadi lahaa si loo maxkamadeeyo ama ugu yaraan loo xiro.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE