Home RA’YIGA Isbaarada loo dhigtay Soomaalida Xajka soo gudaneysa mala qabaan muslimiinta kale?

Isbaarada loo dhigtay Soomaalida Xajka soo gudaneysa mala qabaan muslimiinta kale?

0
SHARE

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la og yahay inuu saxiixay qandaraaska bixinta fiisaha xajka, taasoo ay ka macaashtay shirkad gaar loo leeyahay inay dadka Soomaaliyeed ee soo gudanayo Xajka ka qaato lacag xad-dhaaf ah oo dadka kale ee muslimiinta waajibaadka Xajka kasoo gudanayo dalalkooda ka baxa qiimo aad u yar ama lagu qiyaaso seddax meelood meel qiimaha qofka Somalia kusoo xajiyo.

Arrintaan oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn ayaa sanadihii danbe cuuryaamisay dad masaakiin ah oo qalbiyadooda jecel in ay soo gutaan waajibaadka faralka ah ee Xajka, hase ahaatee hortaagan qarashaadka faraha badan ee shirkaddaha Soomaalida doonaya inay kaga macaashaan dadka kasoo xajinaayo gudaha Soomaaliya.

Shirkadda kaliya ee adeega fiisaha xajka bixisa ayaa ah Jubba Airways, oo qandaraaskaasi iyadu u xiran, dowladdana ka haysata ruqsad, waxayna Xaajigii soo xajinaayo waajib ku ah inuu bixiyo lacag ku dhow 4,0000 dollar oo isugu jira soo saarista fiisaha iyo adeegyada kale ee kala ah:

  1. Tigidhka diyaaradda
  2. Soo saarista Fiisaha Xajka.
  3. Safarka Makka ilaa Madiina
  4. Jiifka iyo guryaha Makka iyo Madiina
  5. Hagista xujaajta oo hoggaaminayaan dad khibrad u leh.
  6. Baraarujin iyo Muxaadarooyin ay soo jeediyaan culimadii Soomaaliyeed.

Marka la barbar dhigo dalalka deriska sida Jabuuti, Kenya iyo Jabuuti oo nooga dhow Sacuudiga lagama qaado xujeydooda lacagta faraha badan ee Soomaalida laga macaasho, taasina waxaa diidaya nidaamka dowliga ah ee ka jira dalalkaasi oo qiimo jaban qofku uu kusoo xajinaayo.

Labo maalin ka hor shirkaddaha bixiya adeegyada ee dowladda kala noqotay heshiisyadii hore kuma jirto shirkadda Jubba oo bixisa adeega fiisaha Xajka iyo adeegyada kale, taasoo dad badan isweydiinayaan sababta ay ugu mid noqon heyday, maadaama shirkaddaan ay dadka soo gudanaayo waajibaadka faralka ah ka macaashto.

Waxaa la og yahay in shirkadda Jubba Airways uu leeyahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabo Saciid Nuur Giriish oo galaangal muuqda ku dhex leh qandaraasyada macaashka laga helo, waana ganacsatadaha Xasan Sheekh ka dhameystay qandaraaskaan dadka looga macaasho.

Shirkaddo dhowr ah ayaa isku dayay in ay helaan mid la mid ah qandaraaska Shirkadda Jubba Airways, has ahaatee waxaa hor istaagay ogolaanshaha iyo saxiixa dowladda iyo aqoonsiga uu ka heysto shirkaddaha Sacuudiga.

Marka la eego diiniyan culumada waxay qabaan in macaash laga raadsado soo gudashada waajibaadka xajka ay xaaraan tahay, maalkii laga helana aanan lagu nacfineyn, iyadoo shirkaddaha Soomaalida xitaa lacago ugu qaadaan adeegyada mutadawacnimada ee ajarka laga helo ee habida iyo u iftiiminta qofka aan aqoon nidaamka loo maro xajka.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta oo dhawaan heshiis lasoo saxiixaday Sacuudiga ayaa looga fadhiyaa in ay arrintaan lagu cunaqabateeyay shacabka Soomaaliyeed dib u aegis ku sameyso, walow ay adag tahay in sanadkaan iyo sanadaha soo socda wax laga qabto.

Cali Muxiyaddiin Cali

 Email: Muxiyaddiin@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Warqaad, Fadlan Aragtidaada kusoo dir Warqaadteam@gmail.com

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE