Home WARARKA FADEEXO+CADEYN: Wasaarad ka tirsan Xukuumada Somalia oo Qaab Qabiil u Shaqeysa

FADEEXO+CADEYN: Wasaarad ka tirsan Xukuumada Somalia oo Qaab Qabiil u Shaqeysa

0
SHARE

Wasaarradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka dawladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shaqaalo qaadasho cusub, hasa yeeshee waxaa la yaab iyo fajac uu dhacay markii foomka buuxinta araaji qabashada lagu arkay, in qofka ay waajib tahay in uu sheego qabiilkiisa, qabiil hoosaadkiisa, iyo jufada ugu dambeysa ee uu ka yahay qabiilkaas.

Ma ahayn heer iyo istaandhar Shaqaallaha Soomaalida lagu qaato, tanise waxa ay tahay dhibaato cusub iyo musuq cusub oo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ay sameynayso.

Xaaladan oo ahayd mid aan hore loo arag oo ugub ku ah shaqo bixinta hay’adda dowladda Federaalka ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay dad isugu jira shacab, aqoonyayahanno iyo mas’uuliyiin, waxayna qaarkood ku tilmaameen mid dembi qaran ah.

Lama oga cidda ka dambeysay arrintan oo lagu shaaciyay website-ka wasaaradda haweenka iyo meelo kale, waxaase ay ahayd khaladkii ugu weynaa ee ka dhaca wasiirada da’da yar ee wasaaraddan.

Shaqooyinka waaweyn ee dowladda Federaalka ayaa lagu bixiyaa qaab 4.5 ah, waana arrin hadda lagu heysto inay raacdo wasaaradda Arrimaha dibadda oo mooshin ahaan loo geeyay Baarlamaanka, laakiin waxay ahayd arrin si hoose loo xaliyo ee ma ahayn mid la sharciyeeyo.

Hoos Ka Akhriso Foomka rasmiga ah ee ay wasaaradda soo bandhigtay

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE