Home RA’YIGA FAALLO XASAASI AH: Rabbiyoo Ceymiya Mooyee Farmaajo Raacday Foolxumo

FAALLO XASAASI AH: Rabbiyoo Ceymiya Mooyee Farmaajo Raacday Foolxumo

0
SHARE

Waxaa lagu doortay rabitaanka Shacabka , Xildhibaanada intooda badan waxay garaw sadeen guuxa Shacabka , waxaa cirka kusii shareeray warbixin Sirdoonku soo aruuriyeen uuna soo gudbiyay Sarkaal ka tirsanaa Xoogaggii Ammaanka ee Xukunkii Askartii Soomaaliya , haattana Macallin ka ah Dal Carbeed siduu qormooyinkiisa ku sheegayu, war bixintaas waxay qeexday sida aysan Masar , Imaaraadka , Itoobiya iyo Kiinya u doonayn inuu Madaxwayne noqdo Farmaajo , siday warbixintaas sheegtay ayay Ilaahay amarkii wax u dheceen.

Waxaa Saliid kusii shubay nacaybka Siyaasadeed ee Imaaraadku hor kacayo, Dhex-dhexaadnimada Soomaaliya ee Muranka u dhexeeya Qoysaska wada dhashay ee Xukuma Khaliijka, sidoo kale Imaaraadka oo shaki ka galay sii jirtaanka Saldhig yada ay Soomaaliya ka dhisanayso ee la doonayo in lagu tababaro Calooshood u shaqaystayaal u dagaalama Danta Imaaraadka iyo cidda gadaal ka riixaysa .

Haddii la doortay Farmaajo Dawladihii diidanaa iskamaysan seexan ee waxay durba bilaabeen siday ugu yeelan lahaayeen Xukuumadda iyo Xilalka sar sare  Dadka ay isku aragtida   yihiin ama u dhaga nugul fulinta danahooda, si ay durba u helaan waxa ay Soomaaliya maagan tahay  intaan la fulin ,  waxaa la magacaabay xukuumad aysan ka muuqan rag lagu yaqaanno hadal adkaan iyo Soomaalinimo , Qorayaal badan oo Soomaali ah waxay u arkayeen Xukuumad garaadkeedu hooseeyo in lasoo dhisay wiiqina doonta sumcaddii lagu doortay Farmaajo ,

G/Sare  C/Kariim Qalbi-Dhagax , Xooggii Dalka Soomaaliya ayuu ka mid ahaa  markii qolo qolo loo kala yaacayna Saraakiishii Dalkuna kala raaceen Ururada ku dagaalama magaca Qabiilkooda iyo maslaxadda Qab-qablaha, wuxuu G/sare Qalbi-Dhagax ka mid noqday Ururka u dagaalama Xoraynta Soomaali  Galbeed,  waxaa lagu qabtay Mudug , Ragg iyo Dumar badan ayaa hortii  loo qabtay Xabashida loogana tallaabiyay Xuduud beenaadka iyadoon Xamar lasoo marsiin , hasa yeeshee waxaa sixeel dheer mudan in la isu waydiiyo Maxaa Xamar lagala soo doonay Qalbi-Dhagax ? Maxaa deg degga loogu dhoofiyay loogana dajiyay Dhulka Soomaalida ee Xabashidu Haysato ? Cadaado oo Xuduud Beenaadka Daqiiqado u jirta maxaa  Xamar oo dhawr Saacadood safar ah looga doortay ?

Intii la la doortay Farmaajo waxaa hoos u dhacay Xatooyadii Xoolaha Dadka , Waxay Maamuladda Qolo qolada ku dhisan ee Gobaladdu waayeen hanti lagu lab salaaxi jiray , is dhex yaacii ayaa yaraaday , Ganacsatada Hanti-Goosadka ah oo inta badan shidaalka ku shuba Siyaasiga Xatooyada aan ka xishoon ayaa dareemay in Xisaabi kusoo dhawdahay, guud ahaan Shacabkii ayaa dareemay inay noloshu soo hagaagayso inkastoo gaabis badan jiro , gaar ahaan dhinaca Wax barashada iyo Caafimaadka .

Ceebteenna ma raad raacno taariikh nololeedka qofka aan xil u dhiibanayno ee kaliya waxaan ku mashquulnaa Qolada uu yahay , Qolo kasta oo Soomaali ah waxay leedahay Akhyaar, indheer garad ah  iyo Ardaal adduun raadis ah , xiligan haattan la joogana waxaa sahlan inuu ardaal helo xil uusan mudnayn , hadduu xoolo badan ku kala seexiyo odayaasha ‘’Dhaqanka’’ ballana ugu daro inuu daryeelayo marka uu xilka helo inay doortaan oo diraan waa hubaal .

Hadduu Madaxwayne Farmaajo wax ka ogaa amarkiisan lagu dhiibay G/Sare Qalbi-Dhagax , Shacabka Soomaaliyeed Ammaanadii uu u dhiibtay wuu khiyaanay waana inuu isaga tago, haddii ay Ammaanadii wax ka hareen , Hadduusan wax ka ogaynna inuu Ciddii Mas’uuliyadda lahayd Shicibka loo sheego lana Marsiiyo  Xeerka Dalka u dhigan wuxuu ka qabo ayadoon Qolo loo eegin , Waa Khiyaano Qaran , Quruumaha Danbaana kugu Nacalada Ficilada Qaarkood.

Rabboo caynsha mooyee Wallee Farmaajo   Raacday Foolxumo

Aragtida Aadam Zaki

hmareer@gmail.com

Mr Aadam Abdirahman

Freelance Journalist

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Warqaad, Fadlan Aragtidaada kusoo dir Warqaadteam@gmail.com

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE