Home WARARKA Faah faahin laga helayo madaafiic dad ay ku dhamaadeen oo AMISOM ka...

Faah faahin laga helayo madaafiic dad ay ku dhamaadeen oo AMISOM ka fulisay degmada Awdhiigle

0
SHARE

Wararka naga soo gaarayo degmada Awdheegle ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in Ciidamada AMISOM ay duqayn ku dilayn shacab xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa duleedka degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen duqayntaasi oo labo ka mid ah ay yihiin Carruur, dadka dhintay ayaa ahaa Xoolo dhaqato ku sugnaa deegaan 7 KM u jira degmadaasi.

Mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa Gobalka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay baarayaan duqaynta dadka ku dhintay nuuca ay ahaayeen waxayna shaki geliyeen in shacab ay ahaayeen.

Awdheegle waxay ka mid ahayd degmooyin ay shalay qabsadeyn Ciidamada Dowladda inkastoo markii dambe ay ka soo laabtayn goobihii ay qabsadayn Ciidamada Dowladda.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE