Home WARARKA DHAGEYSO: Shacabka oo Siyaabo aan la fileyn uga hadlay Xilal ay magacaabeen...

DHAGEYSO: Shacabka oo Siyaabo aan la fileyn uga hadlay Xilal ay magacaabeen Farmaajo & Kheyre

0
SHARE

Qodobka 90 aad ee Dastuurka Dalka wuxuu ka hadlayaa guud ahaan awooda uu leeyahay Madaxweynaha , farqada ( K ) waxa ay qeexeysaa in madaxweynaha uu magacaabi karo Jagooyinka Sare iyo Madaxda Hey’addaha Dowladda Marka ay soo jeediyaan golaha wasiiradda iyadda oo taasi laga duulayo waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Magacaabay Xubno lataliyaal ah kuwaasi oo dhinacyo kala duwan kala shaqeyn doona.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii lagu jiray bishani waxa uu magacaabay saddex lataliyaal oo ay ka mid yihiin ,Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Ganaral Bashiir Axmed Jaamac Goobe ,oo kala talin doona dhanka ciidanka ,halka Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu kala talin doono madaxweynaha dhanka siyaasadda sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Arrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta kala talin doono Mudane Maxamed Cabdi.

Sidoo kale waxa uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Magacaabay lataliyaha dhanka saxaafadda kaasi oo loo magacaabay C/qaadir  Nadaara ,intaan kuma koobnan doonaan la taliyaasha xafiisyadda ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha sida ay madaxdu sheegeen ,haddaba lataliyaasha cusub maxey ku soo kor dhinkaraan siyaasadda wadanka iyo dhinacyadda ay dowladda kala talin doonaan ,waxaa sida ay la tahay aragtidooda ka hadli doona bulshada qeybaheeda kala wadan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXINTA

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE