Home WARARKA DHAGEYSO: Alshabaab oo baahisay Magaca, Qabiilka iyo Dardaaranka ninkii isku Qarxiyey Hotel...

DHAGEYSO: Alshabaab oo baahisay Magaca, Qabiilka iyo Dardaaranka ninkii isku Qarxiyey Hotel Dayax

12
SHARE

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay farriin dardaaran ah oo laga duubay mid ka mida is-midaamiyeyaashii isku qarxiyay Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Fatxi C/llaahi Dheeg, ayaa hore uga tirsanaa askarta maamulka Jubbaland, wuxuuna ka baxsaday magaalada Kismaayo kadib markii uu khaarijiyay taliyihii hore ee ciidamada nabadsuggida Jubbaland Ciise Alaaki oo ku magac dhereaa (Ciise Kaambooni), kaasoo dlkiisu ka dhacay Kismaayo 19-kii Feberaayo sanadkii 2014.

HALKAN KA DHAGEYSO MAQALKA

Alshabaab ayaa sheegtay inuu ka soo jeeda Beesha Ogaadeen iyo degaanka shanaad ee Itoobiya heysato, isla markaana muddo 10 sano uu kooxda ka mida ahaa.

Dardaarankiisa waxaa ka muuqda inuu in muddo ah sugayay sidii uu is qarxin u fulin lahaa, taasoo markii hore aan u qorsheysneyn.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE