Home WARARKA DEG DEG: Wasiir ka Farxiyay Shacabka Muqdisho ka dib si lama filaan...

DEG DEG: Wasiir ka Farxiyay Shacabka Muqdisho ka dib si lama filaan uu u furay Wado Muhiim ah

0
SHARE

Wasiirka Amniga XUkuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta dib u furay Waddada shaqaalaha ee isku xirta Isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP ee Degmada Hodon.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Amniga,Guddoomiyaha Gobolka iyo guddoomiyaha Degmada Hodon,ayaa waxaa dib u fureen Waddadan.

Waddadan,Sanadkii 2016kii ayaa dib u dhis lagu sameeyay waxaana ay u xiraneyd Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka iyo Wasiirka Amniga ayaa furay Waddada.

Markii dhismaheeda la dhameeyay 2016kii waxaa dib u furay Madwxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaqaalaha laanta socdaalka u sheegay in aysan shaqeysan karin,ilaa xarunta dayactir looga sameynayo.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE