Home WARARKA DEG DEG: Dad ku hor banaan baxayey Xarunta Golaha Shacabka oo oo...

DEG DEG: Dad ku hor banaan baxayey Xarunta Golaha Shacabka oo oo rasaas lagu kala eryay

0
SHARE

Dadweyne doonayay inay ku hor bannaanbaxaan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo diiday oo la hor istaagay, iyadoo rasaas lagu kala eryay.

Dadkan oo kasoo baxay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa isugu yimid taallada Sayidka, halkaasoo ciidamada booliska ee ilaalinaya ammaanka xarunta baarlamaanka ay u diideen inay gaaraan xarunta Baarlamaanka.

Askarta qaarkood ayaa rasaas kor ugu riday bannaanbaxayaasha iyadoo kala eryay, waxaana dadkii bannaanbaxa waday ay saxaafadda u sheegeen in rasaas loo adeegsaday iyagoo bannaanbax nabadeed waday, isla markaana doonayay inay xildhibaannada u sheegaan inaan loo baahneyn mooshin laga keeno xukuumadda.

Waa markii ugu horeysay ee bannaanbaxayaal taageeraya xukuumadda ay kala eryaan isla ciidamada dowladda.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE