Home WARARKA DEG DEG DAAWO SAWIRO NAXDIN LEH: Weerarkii Hoteel Dayax oo lasoo gaba...

DEG DEG DAAWO SAWIRO NAXDIN LEH: Weerarkii Hoteel Dayax oo lasoo gaba gabeeyay

14
SHARE

Warar si deg deg ah goordhow inoo soo gaaray ayaa sheegaya in lasoo gaba gabeeyay weerarkii hoteel Dayax ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa in lasoo gaba gabeeyo ay qaadatay mudo saacad iyo bar ah, waxaana gudaha hoteelka galay ciidamo katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ku dhawaad 30 qof ayaa lasoo sheegayaa iney dhibaato kasoo gaartay weerarkaas hoteel dayax ee Wadada Maka Almukarama.

Dadka dhintay waxaa ku jira malaaqyo, waxgarad, shacab iyo ciidamo, waxaana laga cabsi qabaa in xildhibaano iyo masuuliyiin kale ay waxyeelo soo gaartay.

Ciidamada DF Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa iney toogteen shan ruux oo weerar soo qaaday, waxaana haatan gudaha hoteelka haatan galay ciidamada dowlada.

Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray xarunta hotel Dayax kadib markii lasoo gaba gabeeyay weerarkaas.

La soco WARARKII Soo Kordha Insha Allah

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE