Home WARARKA DEG DEG: Ciidamada DF & AMISOM oo ka baxay Baraawe oo Shabaab...

DEG DEG: Ciidamada DF & AMISOM oo ka baxay Baraawe oo Shabaab ka qabsaday degmo muhiim ah

0
SHARE

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka baxay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa Al-Shabaab ka qabsaday degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Najax oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda oo kaashanaya AMISOM kana baxay degmada Baraawe ay la wareegeen degmada Sablaale oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Ciidamada Dowladda ayaa shalay Al-Shabaab kala wareegay degmada Awdheegle iyo Mubaarak inkastoo markii danbe ay dib uga baxeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa hada la kulmaya culeys Militari oo kaga imaanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE