Home VIDEO S DAAWO: Xuska Dhalashada Nabi Maxamed NNKH Oo Lagu Qabtay Magaalada Nairobi

DAAWO: Xuska Dhalashada Nabi Maxamed NNKH Oo Lagu Qabtay Magaalada Nairobi

0
SHARE

Boqolaal isugu jiro culimaa udiin iyo bulshada inteeda kale oo u debaal degayay xuska dhalashada Nabigena Maxamed NNKH oo sanad walba la qabtobbisha moowliid ayaa socod dheer ku maray wadooyinka waaweyn ee xaafada islii ee magaalada Nairobi si ay u muujiyaan ahmiyadey ledahay dhalashadii xabiibkena oo ku asteysan 12-ka bisha rabiicul awal.

Munaasabada lagu xusayay dhalashada nabigena Maxamed NNKH oo ay soo qaban qaabiyen culimaa udiinka ahlusuna waljameca ee Dalka Kenya ayaa culimadii iyo dadkii ka qeyb galayay waxa ay isugu soo aruuren fagaaraha islii barimaro school ee xaafada islii waxana ugu horeyn ka hadlay qaar kamid ah culimadii kaso qeyb gashay munaasabada.

Sheikh shariif Cabdulaahi shariif xasan oo gaba gabdii madasha lagu xusayay dhalashada nabigena maxamed NNKH ka hadlay ayaa ka shekeyay ahmiyada ledahay in la xuso dhalashada nabiga isago shegay iney tahay mid looga baahay umada islaamka.

Halkan Hoose Ka Daawo:

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE