Home WARARKA Daawo Sawirada: Qaraxii Ismiidaaminta Ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Daawo Sawirada: Qaraxii Ismiidaaminta Ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0
SHARE

Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa degaanka Waydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaa lagu eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala eegtay kolonyo ciidamada Amisom oo maraayay labaajada degaanka Waydoow, halkaasi oo la soo warinaayo inuu ka dhashay khasaare.

Gaariga qaraxa Ismiidaaminta loo adeegsaday ayaa noociisa wuxuu yahay NOAH, waxaana ka xeynaayay ruux naftii hure ah kaasi oo goobta ku geeriyooday.

Goobta qaraxa Ismiidaaminta uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Saraakiisha ciidamada ammaanka, waxaana ay xireen goobta iyadoo uu socdo Baaritaan.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE