Home WARARKA Daawo Sawirada MD Xasan Sh oo lagu Arkay Wadooyinka Yemen + Sababta?

Daawo Sawirada MD Xasan Sh oo lagu Arkay Wadooyinka Yemen + Sababta?

0
SHARE

Warbaahinta Carabta ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay boorarka Waddooyinka Cadan ee loogu mahadcelinayo Sooomaaliya.

Mareegta Carbeed qaar ayaa ku micneeyay Mahadcelinta ay Soomaaliya ka heshay Yemen in ay tahay kubiirista Soomaaliya ay ku biirtay Dagaalka ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen,halka kuwo kale ay leeyihiin soo dhaweynta dadka Yemen ay ka heleen Somaaliya markii ay ka soo carareen Colaadda dalkooda.

Wargeyska Al-Waddan ee ka soo baxa Yemen ayaa ku sheegay in mahad celinta Soomaaliya ay ka heshay Yemen ay micnaheedu tahay in Dowladda Soomaaliya ay la safatay Dowladda Yemen iyo Isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa horay u sheegay in mowqifka Soomaaliya ee dagaalka Yemen uu cad yahay Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda Yemen.

Dagaalka uu Sucuudiga Hoggaaminayo waxaa ka qeyb galay in ka badan 10 Waddan oo Carbeed,waxaana dhanka kale Xuuthiyiinta taageera Waddamada ay Shiicada hoggaamiso sida Iiraan.

C1-1

C2

C2-1

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE