Home VIDEO S DAAWO: R/wasaare Kheyre oo si aan horey loo arag u hadlay Caawa...

DAAWO: R/wasaare Kheyre oo si aan horey loo arag u hadlay Caawa (JAWAAB KULUL)

0
SHARE

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul oo aan hore loo arag uga hadlay siyaasadda dowladda Federaalka iyo xukuumadda uu hoggaamiyo ku socdaan.

Xasan Cali Kheyre oo caawa ka hadlyay munaasabad lagu xusayay maalinta Calamka Soomaaliyeed oo lagu qabtay garoonka kubadda koleyga Muqdisho ayaa sheegay inaysan dhici doonin inay noqdaan madax markii is qabqabsi yimaado albaabada soo xirta oo khalkhal la geliyo.

VIDEO-GA HOOS KA DAAWO

Wuxuu si dadban ula hadlay madaxda maamul goboleedyada ee maanta war-murtiyeedka kasoo saaray magaalada Kismaayo isagoo yiri: “Waxaan codsanayaa inaan dib ugu noqon inaan qabiil iyo qabyaalad dib ugu noqon, cidna laga ogolaan dhaliil ujeedo gaara laga leeyahay iyo dhaliil lagu doonayo in lagu dumiyo dowlada.. waxaan leeyahay Soomaaliya hore ayay u socotaa ee gadaal u noqon meyso..” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

“Haddii ay arki jirteen in la niyad jabo way dhammaatay in la niyad jabo…, haddii is jiidjiid yimaado inay madaxdu niyad jabaan waxaan idin balan qaadayaa inaysan madaxda idin hortaagan ma ahayn kuwaas… maalmo ayaa la qeylinayaa madaxda qolalkooda ayay ku noqonayaan waxaan idin balanqaadeynaa inaan idinla tegi doono meesha ugu danbeysa.. Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah, annagaa ujeedna oo idin soo aragnay” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Daawo Muuqaalka

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE