Home VIDEO S DAAWO: Madaxweyne Gaas” Mas’uuliyadda Dalka oo Dhan Xamar kuma Koobna

DAAWO: Madaxweyne Gaas” Mas’uuliyadda Dalka oo Dhan Xamar kuma Koobna

0
SHARE

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka hadlay shirka Kismaayo iyo arrimaha ka dhex jira dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in muddo laga fikirayay in la sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin, isagoo xusay in qorshaha uu markii hore ahaa in la dhiso Madasha Qurac Forum, balse arrimihii doorashooyinka ay soo kala dhex galeen.

“Barnaamijkaas wuxuu ahaa mid aan muddo ka fikireyn in la sameeyo madal ay wadaagaan dowlad goboleedyada, labo sano ka hor ayaa ka fikireysan, laakiin arrimihii doorashooyinka ayaa na soo dhex galeen, in la isu yimaado, la wada hadlo wixii caqabado jira la falanqeeyo in go’aamada ku haboon la soo saaro ayuu ujeedku ahaa”ayuu yiri C/wali Gaas.

Halkan Hoose Ka Dhageyso:

Mar la weydiiyay arrimaha dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka isku hayaan ayuu xusay in labo arrin ay tahay mid Mas’uuliyadda iyo awood qeybsiga.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka in dalka oo dhan aanay Mas’uuliyadeeda heyn, balse dowlad goboleedyada ay 90% ay mas’uuliyadda gacanta ku hayaan.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE