Home VIDEO S DAAWO: DF oo si adag uga hadashay Bankiga uu GAAS ka furay...

DAAWO: DF oo si adag uga hadashay Bankiga uu GAAS ka furay Boosaaso

1
SHARE

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa shaaciyay in Banki ay leeyihiin Ganacsato ajnabi ah si sharci darro ah looga furay magaalada Boosaaso dhowaan, wuxuuna caddeeyay inaan Banki laga furi karin Soomaaliya iyadoo aan sharci ruqsad ah ka heysan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa dadka Soomaaliyeed ee Gobolka Bari iyo degaanada Puntland ay ka digtoonaadaan inay la macaamilaan Bankigaasi oo ay wax lacag ah iska geliyaan, wuxuuna amar ku bixiyay in la joojiyo shaqada Bankigaasi.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland ugu baaqay inay sharciga dalka raacaan.

Bankiga uu ka hadlayo guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa CAC International Bank, waxaana 9-kii Bishan Janaayo 2016 magaalada Boosaaso ka furay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo la sheegay inuu bixin doono adeegyada ay bixiyaan bangiyada Caalamka.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE