Home WARARKA Axmed Madoobe & Cabdi Maxamuud Cumar oo Nairobi ugu wada hadlay Arrimo...

Axmed Madoobe & Cabdi Maxamuud Cumar oo Nairobi ugu wada hadlay Arrimo qarsoodi ah(Aqri)

0
SHARE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Axmed Madoobe) oo ku sugan dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi ee dalkaasi kula kulmay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Kulankaan ayaa ahaa mid aan horay loosii shaacin,waxana weli la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Nairobi u jooga wadahadalo uu la leeyahay Masuuliyiin ka tirsan Jabhada ONLF oo dagaal kula jirta Itoobiya,iyada oo ay dhex dhexaadineyso dowladda Kenya.

Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe oo Muqdisho uga qeyb galay shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa wada hadalo uu la yeeshay qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha dalka u ambabaxay Nairobi.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE