Home RA’YIGA Aqalka sare ee Dalka: Gole Qaran mise Shaqaale Maamul Goboleed ?!! (Bal...

Aqalka sare ee Dalka: Gole Qaran mise Shaqaale Maamul Goboleed ?!! (Bal Runta Ogow)

0
SHARE

Siyaasiyiinta, Aqoon-yahanka iyo Shacabka Somaliyeed weli aragti cad kama heystaan; Xilka, Waajibdka iyo Hawsha Aqalka sare, hadii la weydiiyo laba Senator? Hawshooda hal jawaab kuma siinayaan. Senator Faroole oo ahaa Engineer kii dhismaha Aqalka sare, sharaxaad kaafi ah kama siinin dadka Somaliyeed iyo xubnaha Aqalka; hawsha ay u qabanayaan Qaranka.

Siyaasada Somaliya markii ay socon-weydo waa la ordi-siiyaa; Carte 2000, markii ugu horeysay Taariikhda Siyaasada Somaliya waxaa lagu dhisay Barlamaan ah 275, oo lagu sababeeyey dib u heshiisiin iyo ku meel-gaar (TNG).

Embagathi 2004, waxaa lagu daray Fedaraal aan la fahmin, lana ogeen cida wadata ee uu danta u yahay (TFG).

Jabuuti2 2009, waxaa lagu daray 275 + 275= 500 Xildhibaan oo aan la fahmin waxa laga rabo ama lagu xalinayo!.

Mogadisho 2012, waxaa lagu kordhiyey; Dastuur Qabya ah oo ay Saxiixeen 6 Nin, Aqal-sare, Dawlad-gobaleed, Fedaraal Rasmi ah oo ka baxay ku meel-gaar (SFG).

Markii Dastuurkii la ansixyey 2012, Barlamaankina la magacaabay, fadhigii ugu horeeyey waxuu laalay Aqalkii sare (Anaga ayaa isku badan ee naga hara).

Doorashii Xasan Sheekh, bil kadib waxaa bilawday dagaalkii Maamul-gobaleed iyo Olole ah; (waa warey Federaalkii ayaa la diidayaa iyo Maamul-gabaleed!) M. Xasan oo markii hore is adkeeyey ayaa kadib Kursigii u baqay, hadii qeyladu gaarto ama ay maqlaan kuwii Fedaraalka keensaday ee waardiyaha ka haystey, markaas ayuu fasaxay fiilter la’aan.

2017, Xasan Sheekh waxaa laga dhaxlay; 6 Maamul-gobaleed oo is diidan, Dawlada dhexe na diidan, Dastuur Qabya ah, Aqal-sare oo aan la aqoon waajibkiisa, Xildhibaano ay kala leeyihiin Qabiilo+ Maamul-gobalo + Xizbiyo + Kooxo + Dawlado-shisheeye = Sumad-laawe, Madashii Hogaan Qaran oo noqotay xujjada la hordhigay Golayaasha Fedaraalka, Ciidan kala qoqoban oo weli la kala leeyahay, mid Shisheeye oo uusan weli cadeyn waajibkooda iyo cida ay ka amar qaadanayaan, Safiiro Shisheeye oo is mooda in ay Dalka ka yihiin Madax, Dawlado shisheeye oo fursad toos ah u helay faragelintii ilaa ay cadeysteen qaarna in ay Xasan soo celinayaan, qaarna ay ridayaan.

2017 – 2020, waxaa rajo laga qabay Aqalka sare in uu noqdo Gole Qaran oo noqda Qoorta u dhaxeysa Federaalka iyo Maamulada (La mood noqose waa) kadib markii uu u dhaqmay qaab Shaqaale ay adeegsadaan Maamuladu. Tusaale; Madaxweyne Xaaf markii uu ku xad-gudbay Dastuurkii, hay’badii Qaranka, kuna Caasiyey Fedaraalkii Biilayey, Senataro iyo Xildhibaano ayaa u Xadreeyey una Gurbaan-tumay, Aqalka sare kama hadlin gefka Dastuurka loo geestay!

Madaxweyne Sharrif Xasan markii uu ka soo laabtay Qaraabkii iyo Shirkii faragelinta ee Emaaraatka, horayna u soo qaadey kistii Shirka Kismaayo oo ka baaqsatay Shirkii Abu-dhabai, waxaa Mashxarad ku soo dhaweeyey Baydhabo iyo Kismaayo, Boorsadana u sii qaaday Xildhibaano iyo Senataro Fedaraal ah!

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu Casuumay Xildhibaano iyo Senataro u Camira Shirka, una Baarakeeya, Aqalka sare weli kama hadlin Gefka laga gelayo Dastuurka iyo Dawlada dhexe!!!

Dawlada dhexe waxey leeday waajibaad, waxaana lagu leeyahay Xuuquuq, waxaana horeeya waajibka; hadii Maamulada aan laga qaadi karin Waajibka sidee loogu raadi karaa Xuuquuq???
Hadii Maamuladii diideen; Canshuur, Ciidan Qaran, Xiriirka dibadda, Khayraadkii dalka in loo qeybiyo, Awood-siinta Golayaasha Fedaraalka, uga danbeynta amarka Ciidamada Shisheeye iyo Kaalmada dibadda Fedaraalka! Sidee loogu qasbi karaa Dawlada Fedaraalku in ay bixiso Xuquuuq, sow uma eka (Keyga anaa leh, kaagana kula lihi) ama (Gardaro Garab og)!!

Hadaba Aqalka sare waxaa la gudboon;

1. In ay noqdaan Gole Qaran oo ka sareeya Shaqaale ah Guul-wade-yaal.
2. In ay difaacaan Dastuurka iyo Fedaraalka ay Mas’uuliyada ku hayaan.
3. In Maamuda ay Matalaan ka qaadaan Waajibka lagu leeyahay kadibna u qaadaan Xuquuqda ay leeyihiin.
4. In ay kala soocaan Deegaanka laga soo magacaabay iyo Mas’uuliyada uu Qaranku ka sugayo.
Hadii ay kaalintooda ciyaari-waayaan! Waxaa dhaceysa in kaalintooda ay galaan; Imaaraat, IGAD iyo Mr Keetin! Iyaga ayaana noqonaya Aarbiiter ama Qoorta u dhaxeysa Fedaraalka iyo Maamulada!!!

W/Q Dr Maxamed Nuur Gacal Duqow

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxa uu gaar ku yahay Qoraaga ku saxiixan, kamana Turjumayo tan Warqaad.com

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE