Home WARARKA AMISOM Oo Si Ka Duwan Sidii Hore Uga Shaqeynaha Magaalada Muqdisho

AMISOM Oo Si Ka Duwan Sidii Hore Uga Shaqeynaha Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa hadda shaqadooda waxay ku bilaabeen iney aad u dardargeliyaan, gaar ahaan kuwa Booliiska ah.

Wixii ka dambeeyay shirkii dhowaan ka dhacay Xalane, Booliiska AMISOM ayaa la arkayaa iyaga oo waddooyinka Muqdisho shaqooyin badan ka wada, sida howlgallada iyo wax walbo oo amniga ku saabsan.

Isgoysyada Muqdisho ayaa lagu arkayaa ciidamo badan  oo AMISOM ah, waxaana isgoyska Zoobe hareerihiisa si aan kala tag ahayn u fariista Booliiska AMISOM.

Amniga Muqdisho ayaa la doonayaa in markaan isbedal badan lagu sameeyo iyadoo ciidamada kala duwan la howlgeliyey

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE