Home WARARKA Al Shabaab oo soo Bandhigtay Dagaalyahano kaga dhintay Weerarkii Buula Gaduud &...

Al Shabaab oo soo Bandhigtay Dagaalyahano kaga dhintay Weerarkii Buula Gaduud & Qabiilada ay ka soo jeedaan

0
SHARE

Ururka Al­ Shabaab ayaa Maanta si rasmi ah usoo bandhigay muuqaal ku saabsan dagaalkii Cuslaa oo ay dhawaan ku qaadeen Xerada Buula Gaduud ee Maamulka Jubbaland.

Haddaba Muuqaalkaas qeybtiisa dambe, Ururka Al­Shabaab ayaa kusoo bandhigay Magacyada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan 4 qof oo ay sheegeen inay kaga dhinteen dagaalkii xoogaana oo ay dhawaan ku qaadeen Xerada Buula Gaduud ee Maamulka Jubblanad.

Waxaa xusid mudan in Afartaan dagaalyahan ay gabi ahaan kasoo wada jeedaan Deegaanka Koonfur Galbeed, waxaana qeyb ka ah ninkii fuliyey Qaraxii lagu furtay howlgalkaas, halka seddexda kalana ay ku dhinteen Dagaalka.

Afartaan nin ayaa dhammaantood kasoo wada jeedo deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo seddex kamid ah ay kasoo jeedaan Beesha Raxan weyne halka mid kalana uu yahay Eelaay.

1) Cabdulqaadir Cali Ibraahim (Boqol Hore)

 

2) Maxamed Macalin Xasan (Hadamo)

 

3) Maxamed Nuur Aadan (Hariin)

4) Cabdulcasiis Cabdullaahi (Muctazim) Eelaay, gaar ahaan kuwa dago Buur, waana ninkii fuliyay qaraxii Ismiidaaminta

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE