Home WARARKA Al Shabaab oo deg deg uga hadlay ninkii Mareykanka ee Kasoo Baxsaday

Al Shabaab oo deg deg uga hadlay ninkii Mareykanka ee Kasoo Baxsaday

0
SHARE

Xog uu helay Telefishinka Al-Jazeera ayaa waxaa lagu sheegay in ninka ajanabiga ah ee Maraykanka u dhashay ee isku dhiibay dawlada Soomaaliya inuu doonayay inuu ku biiro kooxda Daacish hase ahaatee markii loo diiday uu go’aansaday inuu iskaga tago Al-Shabab.

Xogtaan oo uu Tv,gu ka helay xubno ka tirsan Xarakadda Al-Shabab ayaa waxaa ay sheegaysaa in C/Malijk Jones oo ka dhuuntay goob uu ku sugnaa kadib markii dagaalamayaal Al-Shabab ka tirsan ay dileen nin kale oo ay isku afkaar ahaayeen oo dalka Sudan u dhashay.

C/Malik Jones iyo ninka kale ee Sudan u dhashay ee la dilay labadaba dhawaan waxay diyaariyeen muuqaal ay ka  duubeen dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhawaaqaysa inay ku biireen ururka Daacish oo ay hogaamiye u aqoonsan yihiin Abuu Bakr Al-Baqdadi inkastoo uusan muuqaalkaasi willi la baahin.

Warkaan waxaa uu sidoo kale sheegayaa in xubnaha ajanabiga ah ee Al-Shabab la jooga badankood ay wadaan aragti ah inay iskaga baxaan Xarakadda oo ay ku biiraan garabka isla Shababka ka tirsan eek u dhawaaqay inay Daacish la midoobeen.

“Muhaajiriinta Soomaaliya joogta waxay door bidayaan in la qaado baycada Daacish hase ahaatee waxaa jira culaysyo kala duwan oo ay la kulmayaan” ayaa lagu yiri warkaan uu helay Telefishinka Al-Jazeera.

C/Malik Jones ninka la yiraahdo ee Al-Shabab kasoo baxsaday waxaa uu u sheegay Radio Kulmiye inuu Al-Shabab uga baxay kadib markii uu arkay inay dadka iska dilayaan sida uu yiri.

Al-Shabab sanadkii 2013 Waxay dileen Cumar Xamami oo Abu Mansuur Al-Amiriki loo yaqaanay oo udhashay dalka Maraykanka mudana ku jieay dagaalamayaasha Al-Shabab.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE