Home WARARKA AKHRISO: Sharciga dhaqan galay ee Isgaarsiinta Soomaaliya oo dhammeystiran

AKHRISO: Sharciga dhaqan galay ee Isgaarsiinta Soomaaliya oo dhammeystiran

0
SHARE

Sharciga Isgaarsiinta Soomaaliya

QEYBTA 1-AAD

Erey-bixin iyo ujeeddada Sharciga

Qodobka 1aad:

Erey-bixin
1. Hay’adda isgaarsiinta : waxaa loola jeedaa hay’adda isgaarsiinta qaranka.

2. Mareeyaha guud: waxaa loola jeeda maareeyaha guud ee ha’adda isgaarsiinta.

3. Go’aan: waxaa loola jeedaa go’aan qoran ay soo saartay hay’adda isgaarsiinta qaranka.

4. Hab-Dhaqan: waxaa loola jeedaa xeerar, xeer nidaamin iyo xeerarka nidaamiya ruqsadaha kala gadisan oo ay bixiso hay’adda isgaarsiinta.

5. Ruqsadda: waxaa loola jeedaa shatiyada(licenses) ay bixisay hay’adda isgaadhsiinta qaranka,ogolaanayana bixinta adeegyada isgaarsiinta si waafaqsan xeerkan

6. Ruqsad guud: waxaa loola jeedaa ogolaanshaha awood baahsan ee isgaarsiineed sida hirarka shabakadaha iyo numbarada qaranka.

7. Ruqsadle : waxaa loola jeedaa hay’ad(entity) walba oo leh ruqsad ay bixisay hay’adda isgaarsiinta qaranka

8. Furaha Qaranka: waxaa loola jeedaa 252(National code)

9. Summadda Qaranka: waxaa loola jeedaa Dot so (domain)

10. Fiber Optic: Waxaa loola jeedaa dhagaatiyaha xanbaara internetka iyo Hirarka Isgaarsiinta

11. Hirarka Raadiyaha Isgaarsiinta: waxaa loola jeedaa qeyb ka mid ah mowjadaha raadiyaha ee Hay’addu u qoondeysay adeegyada isgaarsiinta.

12. Qorshaha Lambarada Qaranka: waxaa loola jeedaa shax Hay’adda Isgaarsiintu ku muujineeyso qoondeeynta tirada lambarada taleefoonnada.

13. Adeeg Bixiye: waxaa loola jeedaa shirkad ay u sharciyeysay Hay’adda Isgaarsiintu inay adeeg isgaarsiin bixiso.

14. Wadatashiga Bulshada: waxaa loola jeedaa qaab wadatashi oo ku saleysan hab-muuqda oo Hay’adda Isgaarsiintu ku ururiso xogaha laxiriira Hormarinta Isgaarsiinta.

15. Dadweynaha : waxaa loola jeedaa dadka waxgaradka ah sida culimaa’udiinka, aqoonyahanada iyobulshada rayidka ah.

16. Helitaanka Guud ee Adeegga Isgaarsiinta: Waxaa loola jeedaa helitaanka adeeg isgaarsiineed dhammaan macaamiisha isgaarsiinta, iyadoo aan loo eegin degaan fog ama dhow.

HOOS KA AKHRISO

HALKAN KA DEGSO SHARCIGA OO DHAN

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE